Halkan waxaan ka salaamayaa dhamaan maamulka iyo maaraynta
shabakada wararka ee qurbojog.com meel kasta oo ay kala joogaan
mar labaad waxaan salaan diiran u dirayaa dhamaan bahwaynta reer
somaliland meelkasta oo ay kala joogaan guulna waa u rajaynaa
iyo gobanimo raagta
In dhawaalaba waxa aduunka ka jiray kacdoomo iyo isbadalo
aad u xoogan
taas oo ay ka dambeeyaan duwalka reer galbeed ka ahi
kadib markii ay arkeen in ay uga fududay in kharash iyo
lacagi kaga baxdo waxa ay markaas doonayaan in ay badalaan
Waxa aan shaki ku jirin in ay ku guulaysteen u jeedooyinkoodii
intii badnayd
kacdoono aan kharash badani ka galin in ay ka suuro galiyaan
dunida
waxase is waydiin leh maxaa ugu jira ama ay ka faaiidayaan
waxa jirta tiro badan oo la bireeyey dhagtana dhiiga loo daray
iyo qaar hada ay mididu dul saarantay
aduun waynaha waxa ku dhacay dhaqaale xumo
kaas oo tabcaan ka dhigay dhamaan duwalka waweyn
waxa ilaa iyo maalintii dunida la qaybsday ilaa min yoominaa
hada , dunidu isku dilaysaa waa dhaqale iyo mabda
kadib qaabkii loo dhaci lahaa dhaqalaha dunida ay dhigtaan daaquuda
duwalka islaamka xukumaa ay dhigtaan
kuna qarsadaan lacagta umada ay ka cuna qabateeyeen
siday u xalaashan lahaayeen ayey maalinba mid qawracaan
dhaqalihiisiina ku lunsadaan kadibna ay qaybsadaan
ujeedooyinkaas ayaa ugu wayn iyo mid ay dhulka
galinayaan dhaqaalihii dalkaasi lahaa iyaga oo xarbi ehli ah
galinaya oo aan la aqoon goorta uu dhamaanayo iyo xilaga
uu soo gabo gaboobayo.
inaga oo u soo noqon doona ujeedada iyo waxa ugu jira
aynu gaadhno meesha aan faraska u heenseeyey
somaliland waxa ay ka mid tahay dunida ama meelaha loogu danaynta
badanyahay Geeska Afrika
waxaan filayaa in aynaan is waydiinayn waxa ay u noqotay meelaha loogu
danaynta badanyey geeska Afrika
somaliland waxa ay xudun u tahay ama ay isku xidhaa bariga dhexe iyo
galeebdka afrika ilaa bariga afrika
halkaas oo laga ilaaliyo dhaqdhaqaa duwalka carabta ama bariga dhexe
loo yaqaan, si aanay saamayn diinayd iyo tu siyaasadeedba uga fusha
marka ay sidaasi tahay, kacdoomadan ka socda duwalka aynu jaarka nahay
ama duwalka islaamka bariga dhexe iyo afrikaba too doonaba ha ahaadee
ma ina saamayn karaa oo inagana ma inaga hirgali karaa kacdoono
noocani oo kale ahi
suaasha dad waynaha ayaan u dhaafay, anigu se waxaan qabaa
waa Haa
sabata aan u idhi
waa tan, hoos ku qoran
umadu waxay leeday, dhaqan iyo taariiikh soo jireen ah oo lagu tilmaam
qaato, waxna lagu xasuusto, oo lagu guuro,
waxaan odhan karaa xiligi dadku reer baadiyaha ahaan jiray
waxay lahaayeen tusmooyin dhinacwalba isku qotonta
tusmo odayaal ah iyo tusmo culimo ah iyo mid dhalinyaro
oo intuba isla jaan qaadi jirtay , mid walibana kakale ixtiraami jiray
maamuusi jiray, qadarin jiray ka dambayn jiray, ogolaa talo iyo
tusaale waxa uu soo jeediyo ama soo goaamiyo
maanta se waa laga tagay oo odaygii taladiisi waa uun sheeko
culimadii ma jirto midba meel ayuu ka dhacay oo maqli maysid
culimadii ayaa waxaas tidhi ama waxaas ka hadashay
dhalintii ilmaadeerka ahay ee is jeclayd e isku duubnayd ma jirto
oo maalinba afarta aad is raacdaan ama aad wada qayishaan
ayaad ku xidhnaanaysaa, kudarsoo iyagii ayaa kala baxaya
oo nin waliba sanam sitaa uu caabudayo oo reer hebal ah
Umadi waxay ku jirtaa oo ay ku joogtaa in uu jiro diwaan
la galiyo ka xun iyo ka wanaagsanba, si dhaxal ugu noqoto
jiilalka so koraya kuna qiimeeyaan cida markaas ay rabaan in
ay hogaanka u dhiibtaan iyo talada dalka iyaga oo markaas ku kalsoon
hadalka aan soo gunaanado
Dhawaan waxa la saadaalinayaa in ay talada dalku gacanta u gasho
cid dadka iyo dalkaba dan u ah oo ka damqanaysa hooyada bacadka
fadhida ee maalinkasata laga qaado cashuurta iyada oon hadh loo samayn
ay ka gasho baacadka iyo qaar kale oo lamida
iyaga oo soo celin doona aabihii shaqo tagi jiray iyo hooyadii guriga joogi jirtay
kana kicin doona hooyooyin badan oo qaadka ka ganacsada dana mooday
caruurtooduna ay heli doonaan shaqo iyo ragooduba
qoysoskuna ay nolashii waayo waayo ku noqon doona nolol wacana
ku naaloon doonaan oo farxadi ku dayrantay iyo lamaanayaal is jecel
waxaan leeyey u dhawyey kacdoonkii lagu dumin lahaa
kaligood noolaadayaasha , cuna maalintii malyanka dadkoodiina
ka baahanyiin, dhalintodiina badaha ku dhimanayaan
bulshadu waa in ay xorowdaa oo ay heshaa waxay xaq u leeyiin
iyaga oon cidna u daba fadhiisanayn, somaliland maaha
afarta hamhamle ee hantidii dadka dhexda ku duubtay
Bulshoy way joogaan ragii aad dooran lahaydeen ee dalka dahabka
iyo shidaalka iyo xoolaha noolba la ciiraya idinka ciilay ee fidhiqo
idiinka dari la ee aad ka qatantiin, gaajada iyo haraadkuna idinku laayey
Bulshay hareerahaaga eeg oo indho waad leedee qalbigu ha ku shaqeeyo
iyo garashadu, xanuunka qabyaalada huwana iska tuur
waa qadhmuune, dacuuhaa fa inahaa mumtina yuu rasuulku yidhi SCW
Dhawaaq aan fogayn ayaan dhakhso filayaa in uu ka soo baxo
axsaabta qaranka , oo aad ku farxi doontaan ee shaqsigaas
codkiina ku taageera uguna hiiliya , diin iyo aqoonba waa leeye
Jamaal Jaamac Hirsi
Gudgude11@hotmail.com
