Sheffield Feb 17,2013(SDN)-Aqoon yahan Maxamed Haaruun oo culuunta Siyaasada iyo iskaashiga caalemiga ku takhasusay isla markaana hore u ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee xisbiga UCID ayaanu ka wareysanay isbedelka ku yimi siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland intii ay talada Somaliland la wareegeen xisbiga Kulmiye.
Maxamed Haaruun ayaa waxa uu si mug leh uga waramayaa dhawaaqyadii ay Britain iyo Mareykanku isaga danbeeyeen ee ay muwaadiniintooda ugu baaqayeen in ay isaga soo baxaan Somaliland.
Maxamed Haaruun oo ka mid ahaa shakhsiyaad kooban oo ka qeybgalay kulan madaxweyne Axmed Siilaanyo London kula yeeshay Jaaliyada Somaliland ayaa suaal uu ku weydiiyay wasiirka arrimaha Dibedda e Somaliland ayaa madaxweynuhu uga jawaabay si ka baxsan dabciga masuulnimo iyo ta Dimuqraadiyadeed ee uu sheego in uu dunida u iibgeynayo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/harun2.MP3″]
