London27 Feb13(qurbejoog) Shirkii labaad ee ururku ku qabsaday xaafada shifarbush “Shepherd’s Bush” wuxuu ururku so saaray warsaxafadeedkan:
· In Ururku Bish Abril shirweyne qabto, meesha iyo waqtigana dib looga so sheegi doono Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Carigga Boqortooyada Ingriiska , Qaarada Yurub iyo Ameerika.
· In Mudaharaad la qaban qaabiyo:
a) Lidku ah kana so horjeeda wada hadalada madhaleyska ah ee ka so horjeeda Madax-banaanida iyo Gooni-isutaaga Somaliland.
b) Xoojin iyo tageero u ah Madaxa-Banaanida iyo Gooni-isutaaga Somaliland, loona cadeeyo Beesha Caalamka in Madaxa-banaanida iyo Gooni-isutaaga ay Horey Shacabka reer Somaliland ku goosteen Aftidii Sanadkii 2001 (97%) ugu Codeyeen Gooni-Isutaaga .
Cidina ku Qasbi Karin Shacabka Reer Somaliland.
· Waxaanu Urur ahaan marka kowbaad u shegaynaa Xukuumada , Golayaasha iyo Xisbiyada qaranka iyo Madax-dhaqmeed-yada Somaliland.In Madaxa-banaanida iyo Gooni-isutaagu marnaba Gorgortan gali Karin. Dibna looga noqon Karin. Mar labaadna Xasu-sinaynaa in Shacabka reer Somaliland ku go’aansaday boqolkii todoba iyo sagaashan (97%) u Codeyntii Distuurka iyo Goooni-isutaaga Aftidii Sanadki 2001.Xaqna u leeyihiin Shacabka reer Somaliland In Masiirkooda dib loogu so celiyo.
Guul iyo Gobanimo Somaliland
Alla Weyn Ninkii Aamina Awood Leh
Afhayeen Ururka Somaliland United Forum
Ibrahim Hussein
