Burco 02, March 2013 (SDN)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo hawlo shaqo ku jooga xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda iyo qaybaha bulshada ee gobolkaas.
Wasiirka Madaxtooyada oo uu weheliyo Wasiiru-dawlaha Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa waxa ay kulankaas kula hadleen in ka badan 150 xubnood oo ka mid ah waxgaradka gobolka Togdheer.
Waxa kale oo kulankan ka qaybgalay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Togdheer iyo degmada Burco, waxaanay ujeedadiisu ahayd inay masuuliyiintaasi xog-waran kasiiyaan xaaladda guud ee uu dalku marayo.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo kulankaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka muddooyinkii dambe ka hor yimi shirkado saliid ka baadhaya deegaanno ka mid ah gobolka Togdheer. “Waxaan leeyahay haddii walaalayaal maanta saliid la inoo baadhayo oo uu Illaahay inaga siiyo wadankeenu wuu horumarayaa oo dhaqaale ayaynu helaynaa, haddiise laga waayo ninna ka heli maayo gaadhi laga kiraysto iyo dhawr u todobaad oo uu shaqeeyo, markaa danta qaranka iyo danta caamka ah waa in laka horeysiiyaa, waxba kuma filna qof gaadhigii, waxba kuma filna qof mushaharkii, waxa inagu filan oo ina wada deeqaya dhamaanteen wixii caam ah,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Walaalayaal yaynaan waxa wayn waxa yar udhaafin oo aanu inagala qiimo badanin, haddii gaadhi lagaa kireysan waayo oo ay kelifto gaadhigaagaa dartii inaad maslaxadii caamka ahayd aad ku burburiso, waa wax aan adiga faa’iido kuu lahayn, qarankana dhibaato ku ah, bulshada iyo dawladdaba qofna lagama ogola inuu maslaxadiisa iyo dantiisa uu u burburiyo danta caamka ah, marnaba ka tanaasuli mayno ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta dalka iyo bulshada.”

Wasiiru-dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay dawladdu diyaar u tahay inay soo dhaweyso cid kasta oo dalka wax taraysa. waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Mad. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wax aka go’an inay soo dhaweyso cid ala ciddii dalkan waxtari karta.”
qurbejoog
Burco

