Uncategorized

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka soo horjeesta shirka Maamul Sameynta Jubaland ee ka soconaya Kismaayo

Kismaayo March 02 2013 (SDN)— Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka ka furmaya Magaalada Kismayo ee Xarunta gobolka J/hoose kaasi oo la doonayo in maamul loogu sameeyo Labada Jubo iyo Gedo.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacdi ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed marka la sameysanayo Maamul dadka Soomaaliyeed ay dowr leeyihiin dowladana ay leedahay kaalin cad oo la yaqaano.

Mr Saacid ayaa carabka ku adkeeyay in Shirka ka soconaya Kismaayo uu yahay mid aanu dowladda taageersaneyn sabab ah in laga waayay 3-qodob oo dowladdu ay la heyd sidaasi darteedna wixii ka soo baxa aysan miro dhal noqoneyn.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay in ay dowladdu ay leedahay hogaanka shirkasta oo looga hadlayo aayaha umada meel ku nool oo ka tirsan shacabka Soomaaliyee, waxaana uu intaasi ku daray in dowladiisu ay wax walba ay sameysay oo ku aadan sidii shirkaasi looga dhigi lahaa mid waa faqsan dastuurka.

Cabdi Faarax meesha kama saarin doorka ay dadka leeyihiin oo ah in ay u codeeyaan cida ay rabaan laakiin waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in qof kaligiis uu hogaamiyo aayaha maamul goboleed laga dhisayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Sikastab labadii maalin ee la soo dhaafay aayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka soconayay shir hor dhac u ahaa shirka Maamul u sameynta Kismaayo oo maanta si rasmi ah u furmi doono.

SDN-Muqdisho