Uncategorized

War Deg-dega Dawlada Fedralka Soomaaliya oo Gen Cali Samatar u dalabtay in aan Mareykanka lagu Maxkamadeyn

Fairfax Mar 02,2013(SDN)-Dawlada Soomaaliya ee dhawaanta Mareykanku aqoonsaday ayaa ka dalbatay in dalkooda aan lagu maxkamadeyn wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Gen Maxamed Cali Samatar.

Dalabkan ayaa wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka waxa todobaadkan u guddbiyay dawlada Soomaaliya.

Sanadkii hore ayay aheyd kolkii maxkamada Virginia ku taal ay Gen Cali Samatar ku xukuntay in uu Todoba ruux oo Soomaali ah siiyo Magdhaw dhan $21 million oo dollar siiyo.

Gen Cali Samatar ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu galay denbiyo dagaal oo todobada ruux ku soo dacwiyeen.

Xilgaa goaanka maxkamadeed ayaaney Cali Samatar u suuro gelin in uu helo kafaalo qaad diblomaasiyadeed bacdamaa aaney xiligaa jirin dawlad Soomalaiyeedoo la aqoonsan yahay.

Qareenka Cali Samatar ayaa sheegay in uu filayo in dawlada Mareykanku dhaqangeliso dalabka dawlada Soomaaliya oo dacwada la joojiyo.

SDN-Fairfax
contact@somalidiasporanews.com