Kidal March 02 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Jaad ee Qeybta ka ah howlgalka ka soconaya dalka Maali ayaa sheegay in ay dileen Hogaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al Qaacidda kaddib dagaallo ka dhacay gobolka fog ee Waqooyiga dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Maaliya Idriss Deby oo ka hadlay Dilaka hogaamiyaasi Al Qaacidda ka tirsanaa ayaa sheegay in lagu magacaabo Abdelhamid Abou Zeid islamarkaana uu u dhashay wadankada Al Jeeriya.
Hogaamiyaha la dilay ee Al Qaacidda ka tirsanaa ayaa lagu eedeeynayay in uu ka danbeeyay dilka Labo qof oo Reer Galbeed ah oo lagu kala magacaabo Briton Edwin Dyer oo la dilay 2009kii iyo Michel Germaneau oo isana la khaarajiyay sanadkii ka danbeeyay.
Hadii ay xaqiiqoowdo dilka Hogaamiye Abdelhamid Abou Zeid ayaa waxa ay noqon doontaa dabarjab weyn oo kuyimid Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalmaya dalka Maali kuwaasi oo dhulka Waqooyiga looga saaray howgal xoogan oo uu horkayo Faransiisku.
SDN-Kidaal
