Muqdisho March 02 2013 (SDN)– Garsooreryaal ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo isugu jira heer caalami iyo heer qaran ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada jabuuti halkaas oo uu ka dhici doopno tatabar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliyeed kaas oo noociisuna yahay FIFA MA course.
Dhanka kale garsooreyaasha ayaa la dajiyay hotelka Dar Es Salaam ee ku yaala bartamaha magaalada Jabuuti kaas oo qiyaastii hal mile u jira xarunta tababarada Jabuuti oo garsooreyaasha Soomaaliyeed ay koorsada ku qaadan doonaan, sida uu sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed arrintaa ku aadan maanta soo saaray.
Koorsada ayaa socon doonta inta u dhexeysa 3-7 March, iyadoo garsooreyaasha iyo madaxda la socota ay dalka dib ugusoo laaban doonaan maalinta jicmaha ee todobaadka inasoo aadan.
Garsooreyaashan ayaa lagusoo xulay imtixaanaad laga qaday oo ay kusoo gudbeen waxaana laga kala keenay gobalada bartamaha iyo koofurta dalka, iyo sidoo kale maamul gobaleedyada Puntland, Gal-mudug iyo maamulka Somaliland.
“Siyaasadeenu waa in aan horumarka iyo aqoonta kubada cagta gaarsiino dalka oo dhan sidaas darteed ayaan garsooreyaashan ka keenay gobalada dalka oo dhan”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
By Shaafici Muxuyadiin
Email:shaficiislow@yahoo.com
