Uncategorized

Gudida Qiimaynta Mashaariicda Somaliland oo ka hadlay Waxqabad u hirgalay

Hargaysa 02.March. (SDN)   Gudiga qiimaynta Mashruuca horuminta Somaliland  BSF ayaa manta shir jara’iid  oo ay ku qabteen magaalada hargeisa  ayaa waxay kaaga warameen mashaaric ay dalka ka hirgalinayaan .

Gudigan ayaa waxa ay sheegeen in ay bishaan ku dhawaaqi doonaan dadkii ku guulaystay mashaaricdaas  kuwaas oo dhan  59 xubnood .

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Dr Sacaad  Cali Shire  oo gudeemiye  u ahaa gudiga qiimaynta mashruucan ayaa hadal uu halka ka jeediyey waxa uu  sheegay in mashruucani ku salaysnyahay baahiyihii ay soo gudbiyeen ka qayb gala yaashu kuwaas oo isagu jira dhinacyada xoolaha ,Beeraha ,Warshadaha ,xabkaaha iyo beenyada ,Tacliinta iyo mashaaric kale oo horumarineed .

Wasiirku waxa u usheegay in waajigan hore ee mashruucan  lagu maal galindoono laba milyaan oo dollar  waxaanu wasiirku uga mahad naqay deeqbixiyayaasha maal galintan ka qayb qaatay  iyo haya’aadihi curiyey fikirka .

Waxa kale oo isna halkaa ka  hadlay  maareeyaha dhinaca dhaqaalah haya’aada SBF Mr DENIS  DUNN  oo sheegay in mashruucani yahay mid wax tarwayn u yeelan doona  Bulshada  isla markaana  lagu abuuri doono in ka badan lix boqol oo shaqo

Kulankan wax aka qayb galay  Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ,Xanaanada Xoolaha , Ganacsiga iyo gudoomiyaha jaamacada Golis .

Mashaaricdan yaryar ayaa la sheegay in laga hirgalinayo gobolada ka baxsan caasimada .

Hargaysa SDN.