Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay Somaliland isweydaarsadeen Qoraalo iyo kulamo dhidibadda loogu aasayo midnimo waarta

Muqdisho Mar 03,2013(SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shaeekh Maxamuud ayaa kulan baarlamaani ah oo Muqdisho ka dhacay ka sheegay in Dawladiisa iyo Somaliland ay isweydaarsadeen qoraalo isla markaana ay dhabaha u xaarayaan sidii loo heli lahaa midnimo waarta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladiisu ay ka goantahay sidii dalka Soomaaliya loo mideyn lahaa oo lo heli lahaa midnomo.

Hadalada Madaxweynaha waxa ka mid ahaa”Wadahalkii biloowday sanadkii hore ee lala bilaabay Somaliland oo aan runtii hore u sii wadnay oo isdhafsi waraaqo iyo kulamo ay dheceen oo hadan ay rejo iyo yidiidiilo aad iyo aad u sareeyso.

Waxaa dawlada Soomaaliya ka goan in ay u istaagto mideynta dalka Soomaaliya,si loo helo dal Soomaaliyeed oo mideysan,ma aha oo keliya inay diirada noo saaran tahay mideynta laakiin waxaan dooneynaa in aan gaarno midnimo markaan mudo joogno aan naga burburine ku taagan rukuno adag,waqti dheerna waa ay u baahan tahay dedaalna waa ay u baahan tahay,laakiin albaabeedkii waa furan yahay,dedaalkaasi waa bilow laakiin yidiidiilo fiican ayuu muujinayaa iyo wanaag badan,dawladana waxa ka goan hawshaas in ay geed dheer iyo mid gaabanba in ay u korto.”

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ee qoraalada iyo kulamada ay la yeesheen madaxda Somaliland ayaa noqonayaa markii u horeysay ee ay ku dhacaan dhegaha shacbiga iyo Golleyaasha Somaliland.

Kulamada iyo Qoraalada ay Somaliland iyo Soomaaliya isweydaarsadeen ayaan warbixinadooda laga maqal masuuliyiinta Somaliland ilaa iyo haatan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com