Uncategorized

Golaha Amaanka oo cod u qaadaya xayiraada hubka ee saaran dowladda Soomaaliya

New York March 03 2013 (SDN)— Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu cod u qaado in muddo halsano ah xayiraada hubka laga qaado dowladda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay qaraar qabyo ah oo lagu wado in Arbacada loo codeeyo, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in muddo halsano ah uu xayiraada hubka ka qaado Soomaaliya si xadidan.

Inkastoo 15-xubnood ee guluhu ay isku khilaafsanyihiin arrintan hadana waxaa la sheegayaa in dowladdaha Faransiiska iyo Igiriiska oo ka walaacsan qaadida xayiraada hubka Soomaaliya in ay ogolyihiin in muddo halsano ah cuna qabateyntaas hubka la qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa weydiismo soo laab laabatay ku sheegtay in ay u baahantahay in laga qaado xayiraad hubka, si ay ula dagaalanto kooxaha ka soo horjeeda ee dalka ku san, waxaana taageero ay hadalkaasi uga heshay dowladda Maraykanka oo hada u ololeynaysa in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Laakiin Diplomasiyiin ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in qaraarkan qabyada ah uu dhigayo in Soomaaliya aysan soo iibsan karin hubka cul culus, balse ay heli doonaan tabaro caalami ah iyo dib u dhis lagu sameeyo ciidamada doowladda mudaas sanadka ah.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya xayiraada hubka ku soo rogay sanadkii 1992 markaasi oo ay meesha ka baxday dowladdii kali Taliye Maxamed Siyaad Bare.

Xigasho: Reuters