Uncategorized

Hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al Qaacidda oo lagu dilay Waqooyiga dalka Maali

N’Djamena March 03 2013 (SDN)–  Ciidamada Milatariga dalka Chad ee ka qeyb qaadanay howlgalka ka soconaya dalka Mali ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al Qaacidda ee Qaarada Africa.

Geerida Hogaamiyahan oo lagu Magacaabo Mokhtar Bel Mukhtaar ayaa waxa ku dhawaaqay Taleefashinka Qaranka wadanka Chad, kaasi oo sheegay in Ciidamada dalkaasi ay ku dileen deegaan waqooyiga dalka Mali kuyaalla.

Majirto cid aan Teleefashinka Qaranka Chad aheyn oo ka hadlay dilka hogaamiye Mokhtar Bel Mukhtaar, laakiin Ninkani ayaa lagu eedeeyaa in uu bixiyay Amarka weerar lagu qaaday xarun Shidaalka laga qodo oo ku taalla dalka Al Jeeriya Bishii January taasi oo ay ku geeriyoodeen 37-laheystayaal ahaa.

Hadlka Chad ka soo yeeray ayaa imaanaya maalin kadib markii Madaxweynaha dalkaasi Idriss Deby uu ku dhawaaqay in hogaamiye kale ay ku dileen dalkaasi laakiin hadii la xaqiijiyo geerida Mokhtar Belmokhtar ayaa waxa ay noqoneysaa jab weyn oo ku yimid Al Qaaciddad Africa.

SDN-N’Djamena