Uncategorized

Ra’iisul wasaare Saacid oo Maanta hortagaya golaha Barlamanka Soomaaliya oo yeelanaya kulankii koowaad

Muqdisho March 03 2013 (SDN)— Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta isugu imaanayaan kalfadhigooda caadiga ahaa kadib markii shalay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka uu furay Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in ujeedka maanta ay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya isugu imaanayaan ay tahay in Baarlamaanka la horkeenayo Xukuumadda.

Jawaari ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid maanta ay soo bandhigi doonto qorshaheeda ku aadan arimaha dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu khudbad Baarlamaanka ka horjeedin doono.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xaadiraya golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho 9:00 halkaasi oo uu si toos ah uga furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka fadhigiisa koowaad.

SDN-Muqdisho