Uncategorized

Kooxaha hubeysan oo dilay Wadaad caan ka ahaa gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb March 03 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay macalin dugsi quraan ka dhigayay gobolkaas.

Rag hubaysan ayaa macallinkan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Maxamed Siyaad ku toogtay deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa tilmaamaya in marxuumka ladilay uu  sidoo kale kutubbada diiniga ah ka akhrin jiray deegaanka Gadoon, waxaana dilkiisa uu dhacay markii uu kasoo baxay salaadii cishaha.

Gudoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow) ayaa xaqiijiyay geerida marxuumkan, isagoo sheegay inay dilkaas ka danbeeyeen kooxaha qaswadayaasha ah sida uu hadalka udhigay.

Marar badan ayaa Galgaduud lagu dilay dad rayid ah gaar ahaan kuwa indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed iyadoona dilka macalinkan ay ka horeeyeen dilal loo gaystay odayaal iyo dad kale oo mujtamaca wax uhayay.

SDN-Dhuusamareeb