Muqdisho March 03 2013 (SDN)— Maxkamada racfaanka ee Gobalka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday wariye C/casiis Koronto iyadoo gabadhii sheegtay in la kufsaday lasiidaayay.
Maxamed Xasan Cali Wariiri oo ah Guddoomiyaha maxkamada racfaanka ee Gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday wariye C/casiis.
Sababta xukunka wariyaha ayaa waxaa lagu sheegay in wareysigii uu qaaday uusan ugudbin hay’adaha ku shaqada leh sidaasi waxaa sheegay Guddoomiyaha maxkamada racfaanka ee Gobalka Banaadir.
Sidoo kale haweenaydii sheegatay in la kufsaday ayaa Maxkamada racfaanka ee Gobalka Banaadir ay siideysay iyadoo kaliya xabsiga loo dhaadhiciyay wariye Koronto.
Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa horay xukun ugu riday wariye C/casiis iyo sidoo kale Gabadha sheegtay in la kufsaday inkastoo gabadha maanta lasii daayay.
SDN-Muqdisho
