Dhuusamareeb March 03 2013 (SDN)— Ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.
Ciidamada AMISOM ee gaaray Dhuusamareeb oo tiradooda lagu qiyaasayo ilaa iyo 500-askari ayaa waxaa la sheegay in ay fariisimo ka sameysteen Labada dhinac ee Magaalada Laga soogalo.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyay Ciidamadaasi waxana uu ka soo galbiyay Magaalada Guraceel iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen dad aad u farabadan.
Xarumaha ay saldhiga ka sameysteen Ciidamada AMISOM ayaa lagu kala magacaabaa Xirada 21-aad iyo Faarax Koone oo ah dhanka looga yimaado Magaalada cadaado ee isla gobolka Galgaduud.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM ay tagaan Gobalka Galgaduud inkastoo si toos ah aan loo ogeyn inay siijoogi doonaan Gobalkaasi iyo inay dib uga soo noqon doonaan.
SDN-Dhuusamareeb
