Muqdisho March 03 2013 (SDN)— Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa maanta waxaa ay hortageen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu gudbiyaan wax qabadkooda 100ka maalmood ee ay harey u qabsadeen.
Raysal wasaare “Saacid” ayaa ugu horeyn ka hadlay aragtida dowlada ee ku aadan cunaqabateynta hubka ee saaray Soomaaliya isagoona sheegay hadii dowlada federaalka loo fasaxo hubka aysan aritaasi wax dhib ah ka imaan doonin dowladana mas’uuliyad ay iska saari doonto.
Sidoo kale raysal wasaaraha Soomaalya ayaa baarlamaaka hortiisa ka sheegay horumarka xukuumada ay ka gaartay gobolada dalka waxa uuna xusay in ciidamada dowlada ay gaareen gobolo kamid ah goboladii ay ku sugnaayeen ururka al shabaab isagoona tilmaamay wadooyinka muqdisho kaga baxa kismaayo iyo baladweyne ay isha ku hayaan ciidamada dowladana gaari doonaan.
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” raysal wasaaraha soomaaliya mar uu soo hadal qaaday arimaha jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobolada jubooyinka aysan isaga iyo dad kale midna ku xirneyn hasa yeeshe arintaasi loo baahan yahay in dadka kasoo jeeda gobolada jubooyinka ay u maraan wadada sharciga federaalka uu qabo.
Waa markii ugu hareysay xukuumada soomaaliya ay wax qabadkeeda hor keento baarlamaanka tan iyo markii la ansixiyey.a
SDN-Muqdisho
