Bali Gubadle 03.March (SDN) Badhasaabka Gobolka Hawd Md Ibraahin Xasan Cali ayaa maanta kormeer hawleed ku soo kala bixiyey qaybo ka mid ah xarumaha laamaha dawladda ee Gobolkaasi ee magaalada balligubadle.
Badhasaabka oo uu weheliyo G/xigeenka Gobolka iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska xisaabaadka ayaa kormeerkiisu saameeyey labada xarun caafimaad ee Gobolka sida Dhakhtarka TP-da iyo xarunta dhalaanka iyo Hooyada ee MCH-ka, halka sidookalena gudoomiyahu kormeer ku tegay xarunta Maxkamadda Gobolka, saldhiga dhexe ee Booliska iyo taliska ciidanka Asluubta.
Md Ibraahin waxa uu intii uu kormeerka ku jiray warbixino ka dhegaystay hawlwadeenadii iyo mas’uuliyiintii xarumahaasi, kuwaasoo badhasaabka ku wargeliyey hawlaha ka socda xarumahaas iyo caqabadaha hor taagan, waxana badhasaabku u ballanqaaday hay’adaha dawladda ee heer gobol ee uu soo kormeeray inay gobol ahaan taageero la dhinac istaagi doonaan hay’adaha adeega bulsho ee Gobolka ka jira.
Dhanka kalena Badhasaabka Gobolka Hawd waxa uu kala qayb galay dawladda hoose ee magaalada balligubadle hawlagal nadaafadeed oo ay maanta fulisay iyadoo Mayor-ka magaaladaasina uu neefaf xoolo ah oo hilib ah maanta gudoonsiiyey ciidanka asluubta ee gobolkaasi.
Bali Gubadle SDN.
