Uncategorized

Kenya oo looga dareeray Codbixinta doorashooyinka iyo Amaanka oo la adkeeyay

Nairobi March 04 2013 (SDN)—Safaf dhaadheer ayey ku jiraan dadka, si ay ugu codeeyaan qofka ay doonayaan, musharaxiinta ku baratameysa madaxtanimada Kenya.

Inkastoo doorashada aysan ka bilaaban guud ahaan Kenya oo dhan hadana waxaa la sheeegaya in meelaha qaar ay ka bilaabatay sida caasimada dalka ee Nairobi.Ammaanka dalka Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay wadooyinka iyo xaafadaha waxaa la dhigay ilaa 100,000 oo askari oo suga amaanka, waxaa la hakiyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga.

Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed Garaad ayaa ka hadlaya sida ay isugu diyaariyaan doorashada iyo sugida amaanka isaga oo sheegay in ammaanka si wanaagsan loo adkeeyay.

Inkastoo ammaanka aad loo adkeeyay ayaa haddana waxaa jiro, rabshado laga soo sheegayo magaalooyin ka tirsan dalkaasi oo maanta la qorsheynayo inay ka dhacaan doorashooyinka.

Gaari ay saarnaayeen taageerayaal mid kamid ah musharixiinta dalkaasi ayaa lagu rasaaseeyay magaalada Mombasa ee dhanka xeebta Kenya ,waxaana ka dhashay dhaawac iyo dhimasho.

Sidoo kale waxaa xalay rasaas laga maqlay magaalada Gaarisa,waana cabsi hor leh oo baqdin gelin karta amaanka doorashada.

Madaxweynaha iminka talada haya Mwai Kibaki ayaanan sanadkaan ka qeyb galaynin sabab la xiriirta ,isaga oo dhameystay labada xilli ee uu dhigayo dastuurka dalkaasi inuu hal Madaxweyne xilka hayo.

Waa doorasho taariiqi ah waana markii ugu horeysay oo doorashada ay dhacdo ansixinta dastuurka dalkaasi kadib,waxaana walli la wada xasuustaa doorashadii sanadkii 2007 ka dhacday dalkaasi.

Shacabka Kenya ayaa dooranaya Madaxweynaha dalka,xubnaha Baarlamaanka,Gudoomiyaasha Gobolada iyo xubnaha cusub ee xildhibaanada deegaanka.

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka dalkaasi Axmed Saalax ayaa digniin u jeediyay dadka musharixiinta oo ku aadan inaysan ku marmarsiyoon codadka waa lagu shubtay,laakiin ay la yimaadaan cadeymo buuxa.

Caalamka ayaa il gaar ah ku haya doorashada sanadkaan ee dalka Kenya Madaxweyne Obama walaalkii ayaa ka mid ah dadka u tartamaya doorashooyinka heer gobolka,waxaana Obama uu ka hadlay doorashada Kenya.

SDN-Nairobi