Karaaji March 04 2013 (SDN)—Ugu yaraan 45-ruux oo Shiico u badan ayaa ku geeriyooday 130-kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Magaalada Karaaji ee dalka Pakistan.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira Caruur iyo Haween, kuwaasi oo ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciimada Booliska dalka Pakistan ayaa sheegay in qaraxaasi lala bartilmaameed sanayay dadka Shiicada ah ee ku nool Magaalada Karaaji ee dalka Pakistan.
Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi laakiin waxaa lagu tuhmayaa in ay ka danbeeyeen kooxaha suniyiinta ah ee gacan saarka la leh Talibaan iyo Al Qaacidda.
SDN-Karaaji
