Uncategorized

R/wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay Munaasabad lagu shaacinaay Hay’ad loogu Magacdaray Meles Zanawi

Addis Ababa April 06 2013 (SDN)— Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu furiyay Hay’ad cusub oo loogu Magac daray Ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia Melez Zanawi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa halkaasi qudbad ka jeediyay waxaana uu kaga faalooday waxqabadkii Meles intii uu hayay talad dalkaasi iyo hormarkii uu gaarsiiyay dalkaasi Bariga Afrika ku yaalla.

Cabdi Faarax ayaa tilmaamay in ay tahay arrin wanaagsan in hay’ad loogu Magacdaray Ra’iisul wasaarihii Ethiopia la sameeyo taasi oo loogu magacdaray Meles Foundation.

Hay’addan  waxaan Madax ka noqon doonta Xaaskii uu ka geeriyooday Melez waxaana ay waxqabadka Melez Foundation uu noqon doonaa tageerida Warbarasha Caruunta iyo Caafimaadka.

Munaasabadii hay’adaasi lagu magacaabay waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madax ka kala socotay Wadamada Sudan, Jabuuti iyo kuwo kale kuwaasi oo tilmaamay muhiimada ay leedahay Meles Foundation.

SDN-Addis Ababa