Uncategorized

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Guddoonka sare ka dalbaday in la horkeeno Wasiirada Arimaha Gudaha Iyo Maaliyada (Sawirro)

Muqdisho April 06 2013 (SDN)— Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti uqabtay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku horyimaado wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku dalbadeen in la horkeeno Wasiirka arimaha gudaha iyo sidoo kale Wasiirka maaliyada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay doonayaan in su’aalo la weydiiyo Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya su’aalahaasi oo la xiriira meydadka dadkii dhawaan lagu arkay Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha ayeey ugu dambeyn u qabteen in 14-bishaan uu horyimaado Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si su’aalaha loo weydiiyo.

Wasiirka maaliyada ayaa isna la sheegay in la doonayo in wax laga weydiiyo arimaha ku aadan sarifka iyo sida xukuumadda ay wax uga qabatay.

Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa Wasiirada la daba taagan la xisaabtan ku aadan waxqabadkooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SDN-Muqdisho