Muqdisho April 6,2013 (SDN) Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladdu fulin doonto qodobadii ka soo baxay shirwaynihii dib u habaynta garsoorka ee toddobaadka ka socday Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in qodobada ka soo baxay shirkaasi ay yihiin kuwo wax badan ka taraya Caddaalada dalka Somaliya, sidaasi daraadeedna aanay dawladdu ogolaanayn inay dad dhibaatada ka wada sii wataan “Waxaan ballanqaadayaa wax walba oo aan tari karno inaan sameyno si qodobbada kasoo baxay shirka ee khuseeya caddaaladda ay u dhaqageli lahaayeen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Wixii duruufaha jira ay noo saamixi waayaan waynu joognaa waana la socon doontaan”
Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kale oo uu soo qaaday ““Ka doonaya in dhibaatooyinka lagu jiro uu ka faa’iideysto oo uu guryo ka dhisto ma ogolaanayno, waxaan doonaynaa in dadka Soomaaliyeed ay helaan caddaalad iyo garsoore wanaagsan”
Qurbejoog.com
Muqdisho
