Muqdisho April 08 2013 (SDN)— Fariinta oo al saylici oo ay ka muuqato qilaafadka xoogan ee u dhaxeya hogaamiyasha shababka ee somalida iyo kuwa dibada uga yimid ayaa waxa uu ku bilaabay cadeen ku aadan sida ay u soconayaan jihad uu sheegay in al-qaeda ay wakiil uga yihiin gudaha wadanka Somalia.
Al saylaci waxa uu warqadiisa furan ku bilaabay in uu ku fur furto ayaado iyo axaadista sida weyn u taabanaya qilaafadka kala soo dhaex gala dad wada sheeganaya in ay yihiin muslimin walalo ah.
Al saylici ayaa uga cudur daartay warqadaani hogaamiyaha al-qaeda sida ay haatan ay ku wadan howlihi dhanka jihaadka Somalia waxana uu sheegay in arintaani ay soo da dajisay in sanado ay isku dayayeen in ay wax saxaan balse ay timaaday waqti gacan la ga gardaran yahay laga badbaadinayo gacanta gardaran.
Waxa uu baaqiisa ku jeediyay in ay tahay kala badbaadinta hogaamiyasha shababka somalida iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah.
Al saylici waxa uu tilmaamay in xaalada ka dhex aloosan shabab dhex dooda ay heer kedi ugu xumeyd ay xiligaan marayso waxa uu yiri”ma jiro wax balamo ah oo lagu najaxay ama wax himilo ah oo lagu nagaado”.
Hogaamiyaha al-shabab ayaa ku sheegay in ay soo mareen fursado uu ku ogaan karay dhibaatada xiligaan ka dhex taagan shabab dhexdooda balse looga bahan yahay toobad keen iyo danbi dhaaf uu ilaah ugu laabanayo.
Waxa uu tilmaamaya sarkaalkani in jihaadkooda ay kawadaan Somalia ay aheyd mid himilo dheer ku saleysneed balse ay soo ifbaxeen dhibaato soo wajahaya dadkii shabab dibada uga yimid.
Al saylici ayaa shaaciyay in ay garab mareen shareecada islaamka midasi uu u sababeyay mida soo dadajisay in gobolo badan oo ay maamuliyen looga gacan roonaado.
Isago hadalkiisa sii wata ayaa war qadisa waxa uu uga warbixinayaa hogaamiyaha ururka al-qaeda in jabka shabab soo gaaray ay timaaday iyadoo la badaly hogaamiyaal sar sare oo shabab ah,culumadii iyo dadkii fikirka lahaa oo saxada lagasaaray midaasi oo qasabtay in dib loo laabto.
Waxa uu tilmaamay arinta ugu weyn ee shabab ka dhex taagan ay tahay in dhalin da yar oo mar dhow ku biirtay oo amaro siinaya kuna afcelinaya saraakil shabab ah oo xilka laga qaaday.
“waxaa jira qilaafad dhanka diinta ah amiirka dadka ka agdhaw iyaga ayaa wa casilaya iyaganaa culumo kale soo dooranaya” sidaasi ayy al selici ku yiri warqadiisa cudur daar ka aheyd uu u diray hogaamiyaha al-qaeda balse ay ka muuqato xaalada kacsan ee gudaha shabab ka dhex taagan.
Garsoorka shabab ay leeyihiin maer uu soo hadal qaaday ayaa waxa uu ku sheegay in ay ka koban yihiin labo garsoor midka ugu horeya waa kan gobolada taasi waxa uu tilmaamay in aan laga hadleyn balse mida kale ay u baahan tahay in laga hadlo taasi oo garsoorka amiirka oo ah mid isaga sidii usha oo kale uu ugu sito dagaalamayasha kooxda al-shabab waxana uu sii raaciyay in ay midaasi ay si aad ah uga fogtahay cadaalada.
Xabsiyada shabab ayuu ku sheegay iyagana in ay labo ay yihiin mida gobolada oo uu tilmaamay in aysanba tagi karin iyo mid kaloo oo taabacsan amiirka al-shabab oo ilaa iyo hada aan la ogeen dadka ku jira sababta loo maxkamaden la yahay iyadoona loo diiday saraakisha indha indheesa xabsiyada shababka in ay galaan.
Al saylici ayaa yiri”hogaamiyaal shabab ah ayaa si aad ah uga xun in loo diido in ay xabsiyadasi ay kormeran waa ay tilmamen in aysan wafaqsanen arimaha xaquudda bini aadanka balse waxa uu amirka amar nagu siiyay in arintasi aan faraha lala soo galin”.
Sarkaalkaani ayaa tilmaamay in cid walbo shababka ka tirsan e isku dayda in ay nasteexo jediso uu cadaadis xoogan kala kulmayo amirka sida in laga been aburo ama sawirkisa la xumeeyo.
Al seylaci ayaa waxa uu xqiijinaya in culumada shabaka ku jirta ee durursa cilmiga bixisa iyaga lo diiday in ay bixiyaan ilaa iyo qofka uu soo doorto amiirka shabab.
War qada al saylaci ayaa lagu shegay in hogaamiyaha shabab uu u qeylo dhaamiyay dagalamayal kasoo jeeda wadamada Ethiopia iyo Kenya balse waxa uu shaca ka aday in iyaga xiligaan aysan heysan wax macaamul wanagsan oo hogaamiyahooda kala dhaxeeya.
Waxa uu sheegaya al saylici in ay jiraan maamul xumi ka dhex tagan shabab dhexdooda mar weliba maamulka waxa lagu soo dhisaa laguna badala sida uu jecel yahay amirka shabab..markii ugu danbesayna waxa ay aheyd markii madaxa golaha ahlu xali wal caqdiga shabab xilikii laga qaday sabab la aan.
Ugu danbeentii waxa uu hogaamiyaha al-qaeada u shegayaan sraklaanki shabab ka ah in xaalada shabab dhex dooda ka tagan ay maryso heer ki ugu xumaa isagoona tilmaamay in ay ku jiraan god mugdi ah oo waxa ku dhici kara kaliya alle uu yqaano.
Waxa uu u soo jediyey hogaamiyaha al-qaeada ayman al sawahiri”.
1-in amirka shabab uu san ku hormarin in la isku baneeyo dhiga shabab kuwa gudaha jogaay iyo kuwa dibada ka yimid(muhaajirinta iyo ansaarta).
2- in laga hortago aargoosi uu ku dhaqaaqi karo hogaamiyaha al-shabab..sidoo kalana la soo daayo dadka sida qaldan u xir xiran.
3-in amirrka uu ka danbeeyo goaanada maxakamada sharciga ee al-shabab.
4-in loo dhaga nuglaado labada dhinac ee muhaajirinta iyo ansarta in ay dhagestaan ahlu xali war caqdiga.
Dhamaadkii warqadisa waxa uu ku muujiyay in dagaalka shabab ay kwadaan Somalia ay ku sii socdaan wadadii dhacdooyinki aljeeriya e hogaamiyihii abii cabdi raxmaan amin.
