Uncategorized

Shirkii Urur Goboleedka IGAD ee Looga hadlayay Soomaaliya oo dib u dhacay (Sababt)

Addis Ababa April 08 2013 (SDN)— Shirka Urur Goboleedka IGAD ee la filayay inuu ka furmo magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa dib u dhacay Kenya awgeed.

Dib u dhaca Shirka ayaa lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD oo ay kaga hadlayeen codsi ka yimid Kenya oo ku aadanaa in dib loogu dhigo shirka.

Kenya ayaa ku doodeysa inay ku mashquulsan tahay Dhismaha dowladda cusub balse Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka ayaa kasoo horjeesatay arrintaasi oo ugu dambeyn lagu xaliyo in la aqbalo codsiga Kenya.

Lama shaacin xiliga uu dib u bilaabmayo Shirka oo looga hadli lahaa caqabadaha dhinaca ammaanka ee ka jira Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ay wehliyaan xubno uu ka mid yahay Wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa maanta la kulamaya Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.

Kulanka oo uu inoo xaqiijiyay Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya si gaar ah waxaa farta loogu fiiqayaa arrimaha la isla soo hadal qaadi doono.

Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee deegaano ka tirsan Soomaaliya iyo isbadalada dhinaca Maamulka oo ay ka mid tahay arrinta Jubooyinka.

Ethiopia iyo dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa ka gudbaya colaadii hore oo sameynaya xiriir wanaagsan.

SDN-Addis Ababa