Uncategorized

Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland oo kormeer xog ururin ah ku tegay Wersheda Farsameysa bacaha iyo tuunbooyinka ee Hargeysa

Hargeysa April 15,2013(SDN)-Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane C.risaaq Cali Cismaan oo ay Weheliyaan Madax ka tirsan Wasaaradaas ayaa kormeer Xog Ururin waxay maanta ku tageen Wershada Farsamaysa bacaha iyo Tuunbooyinka Biyaha ee lagu magacaabo Hargaysa Plastic Factory.

Wasiirka iyo Xubnaha la socday Waxay kormeer indho indhayn ah ku mareen qaybaha kala duwan ee Warshadaasi ka kooban tahay waxaanay Warbixin ka dhagaysteen Maareeyaha Wershadaasi Mahdi Cismaan Xasan oo ka waramay marxaladihii ay warshadani soo martay tan iyo intii ka danbaysay aasaaskeeda

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Warshadlayda Somaliland Maxamed Sh. Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlaha ay qabtaan Warshadaha  dalka ka jira iyo doorka Shaqo abuuriseed ee ay Wadanka ku soo kordhiyeen.

Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane C.risaaq Cali Cismaan ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiinta Warshada Hargaysa Plastic Factory oo uu ku amaanay dadaalka Waxqabad ee ay waddanka ku soo kordhiyeen waxaanu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin Sidii ay u soo saari lahaayeen Siyaasada qaranka ee ku Wajahan Horumarinta iyo tayayta Warshadaha Dalka.

Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha Abiib Axmed Cali iyo Agaasimaha Waaxda Wershadaha Maxamud Jaamac isla markaana ka warbixiyay hawsha Xog Ururineed ee ay Wasaarad ahaan wadaan.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa iyana Kormeer ku tagay Xarunta Warshadaasi ee Magaalada Hargaysa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com