Muqdisho April 15 2013 (SDN)— Kadib kulan ay xalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho guddiga amniga qaranka dalka ayaa waxaa halkaasi looga dhawaaqay dagaal weji cusub ah oo Dowladda ay la galeyso Ururka Al-Shabaab.
Kulanka xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa shirguddoominaye Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,iyadoo goobtaay xaadir ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha dalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo taliyeyaasha ciidanka Dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku dhawaaqay dagaal weji cusub ah oo ay la galaan Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in falkii shalay dhacay uu muujinayo sida uu hadalka usheegay fashilka Shabaab iyo inay laayaan dadka shacabka ah sida uu yiri Madaxweynaha.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacmaha isqabsadaan ayna meel uga soo wada jeestaan dhibaatooyinka Shabaab ay ugeysanayaan umadda Soomaaliyeed.
Maxkamada Gobalka Banaadir ee shalay dagaalka iyo qaraxyada ay ka dhaceen ayaa wuxuu ku tilmaamay inaysan aheyn goob ay dagan yihiin ciidan AMISOM ama kuwa Dowlad balse ay tahay halkii shacabka loogu kala garqaadaye.
Dadkii soo qaban qaabiyay falkaasi ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku raadjoogto,rajadana ay tahay inay hesho xogta arintaasi ka dambeysa Dowladda Soomaaliya.
SDN-Muqdisho
