Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Gaadhay Wadanka Itoobiya Kulana la qaatay Ra’isal Wasaare Hailemariam

Addis ababa 04.May (SDN) Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa soo gaadhay Xarunta Wadanka Itoobiya ee Addis Ababa isla markaana Kulan la yeeshay Ra’isal Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Dessalegn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigiisa oo Si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Wadanka Itoobiya ee Addis Ababa .

Kulan Galabta ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada ee Wadanka Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen Xoojinta iyo Sare u qaadida Xidhiidhka Iskaashi u dhexeeya labada dal iyo Sidii ay isaga Kaashan lahaayeen dhinacyada Horumarka iyo Ganacsiga .

Weftiga Madaxweynaha ayaa ka soo Kicitimay Wadanka Ingiriiska oo uu Maalmihii u danbeeyay ku Sugnaa kadib markii uu ka soo laabtay Safar Shaqo oo uu ku tagay dalka Maraykanka.

Addis ababa SDN.

Qurbejoog.com