Uncategorized

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Baaq u diray Xisbiga Ucid,kana hadlay arrimaha doorashooyinka ” {DHAGAYSO}

Hargaysa 04.May (SDN) Gudoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta ugu baaqay Xisbiga Ucid inuu Joojiyo Shirarka Beelaha ee dhibaatada u keeni kara Qaranimada Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa hadalkan ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 50aad ee Golaha Guurtida isaga oo daba Socda Hadal uu Warbaahinta Maalmihii u danbaysay Siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo iclaamiyay Shirweyne balaadhan oo Wada Tashi oo bisha Juun ka qabsoomi doona Mid ka mid ah Magaalooyinka dalka,kaas oo lagaga arrinsanayo Waxyaabaha Saamaynta ku yeelan kara horumarka kala duwan ee Somaliland ku talo jirto inay Gaadho.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SaleebaanGuurti4(1).mp3″]
Hargasya SDN.

Qurbejoog.com