Muqdisho May 05 2013 (SDN)— Qax xoogan oo qasaaro geystay ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin islamarkaana uu dhacay goob ay dadku ku badanyihiin oo gawaarida laga raaco.
Qasaraha dhimashada ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan waxaa la sheegayaa in dad badan ay ku geeriyoodeen qaraxaasi.
Isku socodkii gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Km4 ayaa hakat galay waxaana goobta soo gaaya gaadiidka gurmadka kuwaasi oo dadka waxnoqday daabulaya.
Dhanka kale Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warmaayaa in qaraxyo ka dhaceen.
Wixii ku soo kordha halkan kala soco
SDN-Muqdisho
