Uncategorized

UK oo sharaxaad ka bixisay sababta Uhuru Kenyatta uga qeybgalayo Shirka May

London May 05 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, oo wajahaya dambiyo ka dhanka xuquuqda aadanaha dacwad-na ay ka taalo maxkamada dambiyada dagaalka caalamiga, ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada lodnon ee xaasimada ingiriiska si uu kaga qeyb galp shirka todobaadka soo socda dhinacyada Soomaalida kaga furmaya magaalada London.

Afhayeen u hadlay xafiiska arimaha dibada dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in ujeedada Uhuru Kenyatta, loogu yeeray shirka magaalada London ay tahay maadaama Kenya ay deris la tahay dalka Soomaaliya islamarkaana xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyo labada wadan.

Waxa uu noqonayaa safarkisii ugu horeeyay oo uu ku tago mid kamid ah caasimadaha wadamada reer galbeedka waxii ka dambeeyay doorashadiisa bishii March, waxaana dowlada Britain iyo dowlado kale ay sheegeen ka hor guushiisa inay la shaqeyn doonaan cid walbaa oo hogaanka Kenya qabato.

“Kenya waa saaxiib muhiim ah oo u dhow Soomaaliya, waxaana sababta xiriirka aan ula sameynay Kenya ay tahay annaga oo eegayna xaalada taagan”ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada.

Ilow ku dhow madaxweynaha iyo diblumaasiyiin labada dhinac ah ayaa sheegay in Kenyatta muhiim ay tahay in shirka uu u safro, kaasi oo ujeedadiisa tahay in lagu dhiso laguna taageero dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa kamid ah isbahaysiga dagaalka kula jira ciidamada Alshabaab ee ku sugan gobolada dalka qaar, waxaana Soomaaliya ka joogo ciidamo lagu qiyaasay 5 kun oo askari kuwaasi oo ku sugan gobolada Galbeedka dalka, kana mid ah ciidamada AMISOM.

Afhayeenka u hadlay wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa sheegay in waraaqadaha ka qeyb galka shirka la balaarinayo sabab la xiriirta buu yiri in loo midoobo tageerada la siinayo dowlada Soomaaliya.