Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Weftigiisii oo dalka dib ugu soo laabtay Maanta

 Hargaysa 05.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay .

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay ka soo dageen gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airpote .

Mudane Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Cigaal ugu waramayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Safarkii uu ku tagay Wadamada Turkiga,Ingiriiska,Maraykanka, iyo Itoobiya oo uu xusay inay kala hadleen dhamaanba madaxdii ay kulamada la yeesheen qadiyada Madax banaanida Somaliland iyo Wax kasta oo ku taxaluqa sidii ay Somaliland gacan Muuqata uga siin lahaayeen arrimaha Horumarka.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal waxaana dadka Soo dhawaynayay ay Isugu Jireen Qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaridka,Salaadiin,Haween,dhalinyaro,Madaxda Golayaasha Qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo oo uu barbar taagnaa Ku xigeenkiisa Mudane Saylici waxay Salaan Sharaf ka qaateen Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com