Uncategorized

Midowga Afrika oo rajo ka muujiyay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed uga furmaya London

Mogadishu May 05 2013 (SDN)— Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maxamed Saleh Annadif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka qurbajoogta Soomaaliyeed uga furmi doona Magaalada London uu ka qeyb qaadan doono hirgalinta Lixda Tiir ee dowladda Federal-ka Soomaaliya ahmiyada siineyso.

Ambassador Annadif ayaa sheegay in shirka labada maalin ka dhici doona London ee soconaya 9-11-ka Bishan May uu yahay mid dhiiro galinaya Aragtiyada xaalada dalka ee qurbajoogta Soomaaliyeed.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay taageero laga helo qurbojoogta Soomaaliyeed ay keeni karto xasilooni laga helo Soomaaliya.

Maxamed Saleh Annadif ayaa sidoo kale ku baaqay in la taageero AMISOM si loo helo xasiloonida dalka iyo dib u dajinta dadka Soomaaliyeed.

SDN-Muqdisho