Uncategorized

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Si faah faahsan u Sharaxday Qorshaha Sadex biloodkii hore ee Sanadkan u Hirgalay

Hargaysa 05.May (SDN)  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi-samad Cumarr Maal, ayaa Maanta Waxa uu faah-faahin ka bixiyey  wax-qabadkii wasaarada ee saddexdii  ee ugu horeeyey ee sanadkan 2013-Ka

Agaasimaha Guud waxa  uu  sheegay in waxqabadka Wasaaradu ay Ku Talaabsatay ay yihiin kuwo badan kana Mid yihiin inay Xooga Saareen Nabad-gelyada , tababaridda Ciidanka  Bilayska iyo dhismaha Saldhigyada ,si loo xoojiyo ayuu Yidhi amniga  dalka.

Waxa kale oo uu agaasimuhu xusay, in wasaarada ay  u qabsoontay inay  meel mariso isku xidhka  Madaarada, gaar ahaan berbera iyo Hargeysa,baraha xuduudaha  iyo Xarunta  si ay u fududaato in la helo xogta socodka.

Waxa kale oo uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Guduhu sheegay, in wasaaraddu  horuumarin ay ku samaysay ciidanka ilaalada Xeebaha,si ay u gudan karaan howlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Agaasimaha Guud oo ka hadlayey dhinaca Nabadaynta iyo fidinta amniga,  waxa uu sheegay inay wasaaradu  ka howl-gashay  shaqaaqooyinkii ka dhacay Degmooyinka Caynabo iyo saylac,Isagoo intaa raaciyay inay dadaal Xoogan ugu jiraan adkaynta iyo kob-cinta nabad-gel-yadda dalka.

Cabdi Samad Cumar Maal,  waxa kale oo uu sheegay in wax-qabadka  wasaarada  ay ka mid yihiin oo kale,wax ka qabashada dhinaca horuumarinta Gobolada iyo degmooyinka,iyada oo wasaaradu ay qabatay tababaro ku saabsan dhinacyada mashruuca JPLG  iyo qiimaynta mashaariicda,Isagoo intaa raaciyey in ay wasaaradu dhamays-tirtay  Xeer-nidaamiyaha Guddiga  ka gar-naqa dacwadaha dhulka ee magaalooyinka. Isaga oo  sheegay, inay wasaaraddu ku guda jirto dhamays-tirka  qorshaha  lagu fulinaayo  diiwaan-gelinta madaniga ah.

Geesta kale Warbixin dheer ayaa Wasaarada Arrimaha Guduhu ay kaga hadashay Qorshaha Sadex biloodkii Hore ee Sannadkan u Hirgalay taas oo u dhignayd Sidan:-

Wasaaradda arrimaha guduhu waxay ka mid tahay wasaaradaha ugu ballaadhan hay’adaha dawlada, wasaaradu waxay Masuul ka tahay guud ahaan ilaalinta amniga dalka iyo fidinta maamulka. Wasaarada waxa lagu aas-aasay decreeto madaxweyne ee sanadkii 1993 waxayna ka kooban tahay qaabdhismeed ahaan lix waaxood oo kala ah: Waaxda Maamulka iyo Lacagta, Waaxda Nabadgelyada, Waaxda Gobolada iyo Siyaasada, Waaxda Qorshaynta, Waaxda Horumarinta Degmooyinka,  iyo Waaxda Jinsiyada iyo Xidhiidhka Dadweynaha.

Wasaaradda waxa kale oo hoos yimaada hay’ado kale oo dastuuri oo ay ka mid yihiin laanta socdaalka, Ciidanka booliska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka

Wasaarada arrimaha gudaha iyo hay’adaha hoos yimaada waxay leeyihiin Masuuliyado kala duwan oo la xidhiidha ilaalinta danaha bulshada, masuuliyadahaasi waxa ka mid ah

  • Ilaalinta qaranimada, sugida amniga iyo deganaanshaha dalka gudihiisa
  • tababarida Ciidanka booliska iyo qoritaanka ciidan cusub si loo helo ciidan tayo leh oo suga amniga bulshada
  • sugida amniga dalxiisayaasha iyo hawl-wadeenada hay’adaha caalamiga ah
  • kobcinta iyo tayaynta hawlaha laanta socdaalka iyo hubinta iyo ka warhaynta xuduudaha dalka
  • diyaarinta qorshaha maaliyadeed iyo kor u qaadida ilaha dakhli ee Dawladaha hoose
  • kobcinta tayada shaqaalaha iyo kor u qaadida adeegyada bulshada ee d/hoose
  • fidinta maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka iyo hirgalinta maamul wanaaga
  • samaynta aqoonsiga muwadinimada dalka oo midaysan iyo hirgalinta diiwaangalinada muhiimka ah sida: dhalashada, dhimashada iyo guurka
  • Hogaaminta iyo habaynta siyaasada gudaha dalka
  • La shaqaynta salaadiinta, ugaasyada iyo cuqaasha.
  • Hogaaminta iyo habaynta madax-dhaqameedyada beelaha sida: salaadiinta, boqorada, garaadada iyo nabadoonada.

 


  1. 1.  WAXQABADKA DHINACA NABADGALYADA.

1.1.   DEGMADA SAYLAC:

Horaantii sanadkan waxay wasaarada arimaha guduhu dadaal xooggan ka gashay nadbadaynta shaqaaqadii iyo is-afgarnwaagii ka dhacay magaalada saylac ee ka dhashay natiijadii golayaasha degaanka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo wafti uu hogaaminayo ayaana in mudi ah ku sugnaa magaaladaasi isaga oo wada hadalo kala duwan la yeeshay qaybaha bulshada iyo hay’adaha dawlada ee degaankaasi.

Isla wasiirka wassarada arimaha guduhu waxa uu dhagax dhigay 22/1/2013 rug boolis oo laga dhisi doono magaalada Lowyacado dhagax dhigaasi oo qayb ka ahaa hawlaha nabadaynta iyo fidinta amniga ee ay wasaaradu ka waaday degaankaasi.

1.2.   DHAMAYS TIRKA DAFCADA LABAAD EE CIIDANKA RRU

13/03/2013, Wasaarada arinaha guduhu waxay soo gabagabaysay tababaka dafcadii labaad ee ciidanka sida gaarka ah u tababran ee RRU, Munaasibada Tababarkan loogu soo xidhayey Ciidanka RRU ayaa wax ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxman Saylici, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, Badhasaabka Gobolka Saaxil, iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska Somaliland.

ciidankan oo ay wasaaradu tababarkiisa kala kaashatay dawlada ingiriiska ayaa ah mid si wayn wax uga taraya adakaynta xasillonida dalka iyada oo ay ka qalin jabiyeen tabarkaasi dhalinyaro ka mid ah kuwa ka qalin jabiyay dusiyada iyo jaamacadaha dalka, kuwaasi oo ay tiradoodu dhannayd 100 askari waxay dhamaysteen xirfado kala duwan oo casri ah lana xidhiidha ka hor tagga rabshadaha iyo amni darrada.

1.1.   DHAMAYSTIKA TABABARKA HABLAHA CIIDANKA BOOLISKA

04/03/2013 Waxa dugsiga tababarka ee majeera ka qalin jabiyay 150 hablood oo ciidanka Booliska laga hawl galiyay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa tababarkaasi ugu soo gabo-gabeeyay dugsiga mandheera Dufcadii 26-aad ee ka baxda dugsigaasi. Tababarkani waxa la bilaabmay 1/11/2012-kii, iyada oo algu siiyay casharo ay ka mid yihiin shuruucda dalka sida Dastuurka, xeerka ciqaabta Guud, xeerka nabad-gelyadda wadooyinka, xeerka cashuuraha, xuquuqda aadamaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Booliska iyo bulshadda.

Tababarka gabdhaha ayaa ahaa mid kor loogu qaadayay adeega ciidanka booliska ee qaybaha kala duwan ee bulshada si loo helo adeeg hufnaan iyo cadaalad leh kuna qotoma diinta iyo dhaqanka bulshada Somaliland.

1.1.   DHISMAHA SALDHIGAYADA MOODHEELKA AH EE BOOLISKA

Wasaarada aarimaha guduhu iyadoo la kaashanaysa hay’ada UNDP waxay bilawday dhismaha laba saldhig oo moodheel u ah adeega booliska, dhismahaasi oo laga hirgaliyay magaalooyinka Hargeisa iyo burco waxay ujeedadoodu tahay in lagu dhiso adeega booliska ee la shaqaynta shacabka iyo in lagu horumariyo xidhiidhka wadashaqayneed ee boolisku la leeyahay bulshada inteeda kale. Dhismaha saldhigayadan ayaa ah mid u qaabaysan nidaamka isu soo dhawaynta bulshada iyo booliska isga oo laga hir galin doono qaab dhismeed cusub oo leh waaxaha la shaqaynta shacabka.

1.2.   HORUMARINTA CIIDANKA ILAALADA BADDA

Wasaarada arimaha gudaha oo ku dadaalaysa kor u qaadida iyo tayaynta ciidanka ilaalda xeebaha iyo dib u habaynta shuruucdiisa ayaa waxay ka qayb gashay shir lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia 16 – 18 March/2013. Shirkaasi waxa hogaaminayay hay’ado qaramada midoobay iyo kuwa caalami ahba oo ay ka mid ahaayeen UNPOS, IMO, UNODC, FAO, Oceans Beyond Piracy iyo Eucap Nestor HoA Mission. Ujeedada shikaasi waxay ahayd ilaalinta khayraadka badda (Maritime Resources and Security Strategy). Qodobada ay wasaaradu soo ban dhigtay ee la xidhiidha horumarinta ilaalada badaha Somaliland waxa ka mid ahaa:

  • Horumarinta ciidanka ilaalada xeebaha ee la xidhiidha qabashada iyo baadhida dambiyada ka dhaca badeheena iyo biyaha caalamiga ahba(maritime law enforcement powers and organization)
  • Horumarinta shuruucda dalka ee ay ka mid yihiin xeerarka ciidanka badda (coast guard laws and regulations), xeerarka kaluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayradka bada (fisheries laws), xeerarka lahaanshaha biyo badeedka dalka iyo xeerarka maraakiibta iyo marsooyinka (merchant shipping or port laws and regulations)
  • 1.1.   HAWLO KALA DUWAN EE WAXQABADKA DHINACA NABADGALYADAKa sokow hawlaha nabadgalyada ee

    kor ku xusan waxa wasaarada u qabsoomay shaqooyin la xidhiidha adkaynta iyo kobcinta nabadgalyada dalka, hawlahaasi waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

    1-   Waxay Wasaaradu ka samaysay gudida nabadgelyo afar Gobol, Awdal, Togdheer, Maroodi-Jeex, Sool. Kuwaan oo ay si mugleh uga hawlgelisay Gudida Goboladaas kor ku xusan

    2-   Wasaaradu waxay tababar u qabatay gudiyada nabadgelyada ee afarta Gobol ee kor ku xusan, kuwaas oo ku saabsanaa ilaalinta nabada iyo xalinta iyo ka hortaga khilaafaadka

    3-   Waxay Wasaaradu qabatay kulan hawleedo lagu lafa gurayo dhamaystirka siyaasada nabadgelyada iyo nabadaynta ee Wasaarada Arimaha Gudaha

    4-   Waxay wasaaradu la wadaa hay’ada UNODC qorshe lagu horumarinayo shuruucda wasaarada, iyo qorsheyaalu taageerayo booliska iyo ciidanka ilaalada xeebaha

    5-   Waxay Wasaaradu qorshe la wadaa hayada DDG sidii loogu samayn lahaa policeka Somaliland meelo ay hubka ku kaydsadaa, si hubka fududi loo xakameeyo

    6-   Waxay Wasaaradu la wadaa DDG sidii loo soo celin lahaa Mashruuci diwaangelinta hubka fudud loogana bilaabi lahaa Gobolada iyo Degmooyinka dalka

    7-   Waxay Wasaaradu ka wadaa afar Gobol oo dalka  ah dhaqan celinta dhalinyarada derbi jiifka ah taas oo ay hawshoodu socoto, dhamaystirna ku dhawdahay

    8-   Waxay Wasaaradu dhamaystirtay sharcigii boliska kaas oo horyaala golaha wakiilada si ay u ansixiyaan

    1. Waxa la dhamaystiray manhajka cusub ee tababarka aasaasiga ah ee Dugsiga Tababarka booliska Mandheera oo laga daabacay 150 nuqul
    2. Waxa la qabtay shir-hawleedyo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo caruurta.
    1. 2.  WAXQABADKA DHINACA HORUMARINTA GOBOLADA IYO DGMOOYINKA

    Waajibaadka wasaarada arrimaha gudaha waxa kale oo ka mid ah horumarinta maamulada goboalada iyo Degmooyinka, waxayna wasaaradu qaranka uga xilsaaran tahay hawlaha fidinta iyo maamul daadajinta ee ilaa heer tuulo. Sidaa daraadeed Hawlaha u qabsoomay wasaarada bilaha January ilaa march ee sanadkan waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

    2.1.   QABASHADA SHIRKA SANADLAHA AH EE MASHRUUCA JPLG

    Waxaa Taariikhdu markay ahayd 21/01/2013, la qabtay shirweynihii mashruuca JPLG ee sanadlaha kaas oo ay ka soo qayb galeen Deeq-bixiyashii (DONORS) iyo hay’adaha dawliga ah ee xukuumada Somaliland

    Shirkaasi oo uu furay Madaxweyne ku-Xigeenka JSL iyadoo Goobtaasi uu qudbad dheer ka soo jeediyey oo taabanaysa Marxaladihii uu soo maray masharuucani isaga oo galey wajigiisi labaad ee 2013 ilaa 2017 kaas oo ah qorshaha shanta sanadood Taasi oo Xukumadu gudbisay Codsi ah in sanadkiiba lagu daro ugu yaraan sadex-Degmo si uu Marshuucu u wada gaadho dhamaan Degmooyinka leh Golayaasha Degaanka dhamaadka 2017 ee uu ku eg yahay wajiga labaad ee mashruuca

    2.2.   TABABARKA NIDAAMKA QIIMAYNTA MASHARIICDA

    Taariikhdu marka ay tahay 22/1/2013 waxa wasaaraddu qabtay tababar socday hal maalin oo loo qabtay maayarada 7 degmo ee uu ka socdo ee kala ah Hargeysa, Burco, Boorama, Ber-bera, Sheikh, Oodweyne iyo gabilay. Ujeedada tababarkaasi waxa uu ahaa sidii loogu iftiimin lahaa masuuliyiinta degmooyinka nidaamka lagu qiimaynayo Degmooyinka ee ay u helayaan lacagta horumarinta ee mashruuca JPLG/LDF iyo tan dawlada dhexe, nidaamka qiimayntaasi oo ah Shuruudaha ugu yar ee laga rabo degmiiyinku si u helaan lacagtaasi iyo sida ay u fulinayaan mashruucda (Minimum conditions and performance measurement).

    2.3.   TABABAR KU SAABSAN XILALKA IYO WAAJIBAADYADA GOLAYAASHA DEGAANKA

    02/03/3013 waxay wasaaradu u qabatay golayaasha degmooyinka tababar ku saabsan xilalka iyo Waajibaadka Xubnaha kala duwan ee maamulada degmooyinka, hogaaminta, diyaarinta qorshaha iyo maamulka shaqaalaha. Tababarkaasi oo socday mudo todobaad ah waxa lagu qabtay magaalada sheikh ee gobolka saaxil waxana ka soo qayb galay Xubnaha Gudida fulinta iyo Xubnaha maamulka gudi hoosaadyada ee golayaasha degaanka degmooyinka darajada A iyo dogmooyinka sheikh iyo odwayne.

    Nuxurka tababakaasi waxa uu ahaa sidii loosiin lahaa maamulada cusub ee degmooyinka faham dheeraad ah oo ku shabsan doorarka shaqo ee Qaabdhismeedka degmooyinka iyada oo casharo laga siiyay xeerka ismaamulka gobolda iyo degmooyinka xeer lam 23/2002, waxa kala oo ay qaateen cashro ku saabsan hogaaminta, nidaamka diyaarinta miisaaniyadaha iyo maamulka shaqalaha dawladaha hoose.

  • 1.1.   KORMEERKA NIDAAMKA QIIMAYNTA MASHARIICDA 05-18/02/2013 Waxay Wasaaradu qabatay kormeer ay ku kala bixisay degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Boorama, Ber-bera, Sheikh, Burco, iyo Oodweyne kormerkaasi oo lagu qiimaynayey Mashaariicda horumarineed ee laga fulinayay degmooyinkaasi. Qiimaynta noocan ah oo sanadkiiba hal mar la sameeyo waa mid lagu eegayo Shuruudaha looga baahan yahay degmooyinka ee la xidhiidha fulinta mashaariicda. Ujeedada qiimayntan ayaa ah mid lagu saleeyo lacagta mashaariicda ee degmooyinka sida ay u kala helayaan, tusaale ahaan 50% ee miisaaniayada guud degmoyika waxa laga siiyaa saami isu mid ah, 20% ee misaniyadana waxa lagu qiimeeyaa tirade dadwaynaha degmada, halka 30% ga hadhayna lagu sii qiimayntan hada ay wasaaradu soo samaysay oo ah (Minimum Condition and Performance Measurement).

    Qiimayntaasi ayaa ah ta ay degmooyinku ku kala badsanayaan miiisaaniyada iyada oo lagu saleeyo sida ay u fuliyeen tii sanadkii hore ee la xidhiidha maaulka, qandaraas bixinta iyo ilaa dhamays tirkoodaba. Sidaa daraadeed waxay wasaaradu fulisay qiimayntaasi oo lagu salayn doono miisaaniyada mashaariicda horumarineed ee ka timaada dawlada dhexe, mashruuca JPLG iyo dawladaha hooseba.

    1.2.   TABABARKA QORSHYNTA OO LOO QABTAY DAWLADA HOOSE EE DEGMADA GABILEY

    Waxay wasaaradu u qabatay shaqaalaha dawlada hoose ee degmada gebilay tababar ku saabsan qorshynta oo ku sabsanaa Nidaamka Xog-ururinta ee baahiyaha Degmada si loogu saleeyo qorshe sanadeedka D/hoose. Tababrkaasi oo ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta iyo xirfada shaqaalaha gaar – ahaan Waaxda qorshaynta si ay u siiyaan Masuuliyiinta D/hoose xog- dhab oo laga duulo ama lagu go’aan qaato, Haddii ay tahay Wax-barashada, Caafimaadka , fayo dhowarka, Cashuuraha , IWM

    1.3.   SHIRKA WASAARADAHA EE MAAMUL-DAADAJINTA

    Wasaaraddu waxaay abaabushay qabsoomida shirka Wasaaradda Adeega–bixiyayaasha oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku/xigeenka Jam/Somaliland.

    Mawduuca shirkaasi lagaga wada hadlayey ayaa ahaa in alga qay galiyo wasaaradaha siyaasada maamulka daadajinta (decentralization policy) ee ay wasaaradu soo diyaarisay. shikaasi  waxaa ka qaygalay Madaxweyne Ku/xigeenka Somaliland Wasiiradda Wasaradaha Wax-barashada, Hawlaha Guud, Qorshaynta , Wasiir ku xigeenka Arrimaha  Gudaha Macdanta Biyaha iyo Agaasimayaal Guud,

    Nuxurka shirkaasi waxa uu ahaa sidii loo heli lahaa talooyinka wasaaradaha ee ku waajahan siyaasadaasi isla markaana derdergalin lahaa siyaasada maamul daajainta isla markaana loo heli lahaa siyaasad cad oo ku waajahan awood daadajinta hawlaha adeeg bixinta ee golayaasha degmooyinka si loo helo nidaam u awood siiya maamulada degmooyinka in ay fuliyaan awoodohooda la xidhiidha maaulka adeegyada horumarineed ee ay ka mid yihiin waxbaraasha, caafimaadka, biyaha, jidadka, fayadhawrka dakhliga iyo miisaaniyadaha.

    Waxaa la isla qaatay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in la sameeyo gudi farsamo oo ka kooban Wasaaraddo la shaqeeya Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka oo Maamulaya Siyaasada Maamul daadajinta ee Somaliland.

  • 1.1.   SHIRKA MAAYARADDA EE SIYAASADA MAAMUL DAADAJINTA    Waxaa ay wasaaraddu fulisay qabashada shir loo qabtay maayaradda 7 degmo oo lagaga doodayay siyaasada maamul daadajinta (decertralization policy) taasi oo lagu falanqaynayey laguna ururinayey xogaha la xidhiidha habka ugu haboon ee loo hirgalinayo maamul daadajinta.

    Nuxurka shikaasi waxa uu daba socday in laga qayb galiyo maayarada qorshaha siyaasada maamul daadajinta (decentralization poliy) ee ay wasaaradu soo diyaarisay isla markaana ururiyo aragtiyada iyo talooyinka ay ku dari karaan.

    1.2.   KORMEERKA DARDARGELINTA HAWLAHA MASHAARIIICDA

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, ayaa kormeer ku maray Degmooyinka kale ah Borma, Gabiley, Berbera, Sheekh, Burco, Odweyne, Kormeerkasi oo ku saabsanaa:-

    1. Dardargelinta hawlaha Mashariicda oo ah in la abuuro nidaam isku xidh ah oo lagu ogaanayo geedi socodka hawlahaasi sida: qorshaynta mashaariicda ay qabanayaan degmooyinku, samaynta qiimaynta mashaariicda (POQ), dalabka lacagaha ee degmooyinka, iyo siidaynayo lacagaha ee haydaha dawlada dhexe, si aanay u dhicin daahitaan ku yimaada habsami socodka hawlaha mashaariicda. Nidaamkaasi oo aan ku abuurnay waqtiyo kooban oo ah mudada lagu fulinayo mashruuca sida: mudada ay qaadanayso qadaraas bixinta dalabyada Degmada, siidaynta lacagaha ee Wasaradda arrimaha gudaha, Xisaabiyaha Guud iyo hayada UNCDF.
    2. Ururinta xogaha dakhli kordhinta degmooyinka sida habaynta sharciyada tacriifadaha, ilaha dakhli ee aanay degmooyinku qaadin iyo sababaha ayna u qaadin si loo abuuro fursado dakhi kordhineed oo ay yeeshaan degmooyinku isla markaana u awood siiya habsami u socodsiinta hawlaha adeega bulshada.

    Kormeerkaasi oo dhamaan degmooyinku isla qaateen in ay jirto dhibaato la xidhiiidha tacriifadaha oo aan la habaynin tobankii sano ee u dambeeyay isla markaana ay degmooyinku ku shaqeeyaan tacriifado gaboobay oo qayb ka ah dakhli yarida degmooyinka ka jirta

    Waxa kale oo iyana la isla qaatay in dakhligii degmooyinku ay ka qaadi jireen cashuurta beeraha ee loo wareejay wasaarada maaliyadu uu guul darraystay isla markaana ayna wasarada maaliyadu qaadin degmooyinkuna ay ku waayeen dakhligii ka soo gali lahaa cashuurta beeraha sidaa daraadeedna loo baahan yahay in dib loogu soo celiyo degmooyinka maadaama ay kaga haboon yihiin hay’adaha dawlada dhexe si looga hortago cashuurta oo ku lunta meel dhexe.

  • 1.1.   DHISMAHA XAFIISKA IYO DAYRKA WASAARADA Wasaarada arimaha guduhu waxay sanadkan bilawday dhismaha xafiiska wasaarada iyo dayrkiisa iyada oo la kaashanaysa hay’adaha DAI iyo UNDP. Dhismaha xafiiska wasaarada wasaarada oo ka kooban dhismo kor u dheer oo dabaqyo ah waxa uu marayaa meel wanaagsan waxan hada gabagabo ku dhaw dhamystirka qaybta hoose wxana djismahaasi wasaarada ka caawiyay hay’ada DAI. Sidoo kale waxa iyana dhamaaday dayrka wasaarada oo ku fadhiya dhul aad u baaxad wayn waxana dhismahaasi naga caawiyay hay’ada UNDP.
    1. 1.   DHAMAYSTIRKA QAAB-DHISMEEDKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

    Waxaa dhamaystirmay dib u qiimeyntii qaab-dhismeedka Wasaaradda si loogu habeeyo Waaxaha iyo qaybaha si waafaqsan xilka iyo waajibaadka Wasaaradda ee sharcigu tilmaamayo. Qaabdhismeedkaasi aan dhamaystiranay ayaa ka kooban (6) lix waaxood, (24) afar iyo labatan iyo (62) qayb-hoosadyo hoos yimaada Waax’ahaasi

    Waxaa kale oo aan dhamaystirnay Shaqo Qeexidii (job description) ay yeelan lahaayeen, Waaxaha iyo Qaybahaasi

    1. 2.   DIYAARINTA QORSHAHA DIIWAAN GALINTA MADANIGA AH

    (CIVIL REGISTRATION PLAN)

    Wasaarada arimaha guduhu waxay ku guda jirtaa dhams-tirka qorshaha lagu fulinayo diiwaangalinta madaniga (civil regidtration plan) taasi oo ka kooban noocyada Diiwaan galinta muwadiniita ee kala ah aqoonsiyada, dhalasha, guurka iyo dhimashadaba. Qorshahani oo ay wasaaradu ku hawlanayd bilihii ugu dambeeyay waxay tahay mid tijaabo (pilot project) ahaan loogu samaynayo degmooyin la xushay iyada oo marka hore lagu eegayo Awooda loo baahan yahay ee lagu fulin karo ee la xidhiidha xaga aqoonta Agabka iyo sharciyada iyo Awooda aan leenahay dawlad ahaan.

    Qorshaha Diiwaan galinta Wasaaradda oo hada gabagabo ah waxa loogu tala galay in uu noqdo mid jiritaankiisu waaro oo manbac u noqda arimaha nabadgalyo iyo arimaha siyaasadeed iyo horumarineedba. Diiwaan galinta noocan ahina waa tii ugu horaysay ee laga fuliyo guud ahaanba dalka iyo qaarada afrikaba. Sidaa daraadeed qorshaha ay wado wasaaradu waa mid koobsanaya dhamaan qaybaha mihiimka ah ee ay u baahan tahay sida sharciyada maamulka diiwaangalinta, khalabka farsamo ee loo baahan yahay, dhismayaasha xarumaha iyo xafiisyada Diiwaan galinta iyo aqoonta xirfadeed iyo Shaqaale ee loo baahan yahay.

    1. 3.   MASHAARIICDA HORUMARINEED EE DEGMOOYINKA

    Mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashadaan wasaarada arimaha gudaha, hay’ada UN ee ku midoobay mashruuca JPLG iyo dawladaha ee hoose ee ka socda lixda degmo marka laga reebo degmada gabilay oo iyada ay sanadkan ka bilaabanayaan noocyada ay kala yihiin, iyo xaalada ay marayaanba waxay ku cadahay shaxdan hoos ku qoran:

  1. 1.   DHAMAYSTIRKA QAAB-DHISMEEDKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Waxaa dhamaystirmay dib u qiimeyntii qaab-dhismeedka Wasaaradda si loogu habeeyo Waaxaha iyo qaybaha si waafaqsan xilka iyo waajibaadka Wasaaradda ee sharcigu tilmaamayo. Qaabdhismeedkaasi aan dhamaystiranay ayaa ka kooban (6) lix waaxood, (24) afar iyo labatan iyo (62) qayb-hoosadyo hoos yimaada Waax’ahaasi

Waxaa kale oo aan dhamaystirnay Shaqo Qeexidii (job description) ay yeelan lahaayeen, Waaxaha iyo Qaybahaasi

  1. 2.   DIYAARINTA QORSHAHA DIIWAAN GALINTA MADANIGA AH

(CIVIL REGISTRATION PLAN)

Wasaarada arimaha guduhu waxay ku guda jirtaa dhams-tirka qorshaha lagu fulinayo diiwaangalinta madaniga (civil regidtration plan) taasi oo ka kooban noocyada Diiwaan galinta muwadiniita ee kala ah aqoonsiyada, dhalasha, guurka iyo dhimashadaba. Qorshahani oo ay wasaaradu ku hawlanayd bilihii ugu dambeeyay waxay tahay mid tijaabo (pilot project) ahaan loogu samaynayo degmooyin la xushay iyada oo marka hore lagu eegayo Awooda loo baahan yahay ee lagu fulin karo ee la xidhiidha xaga aqoonta Agabka iyo sharciyada iyo Awooda aan leenahay dawlad ahaan.

Qorshaha Diiwaan galinta Wasaaradda oo hada gabagabo ah waxa loogu tala galay in uu noqdo mid jiritaankiisu waaro oo manbac u noqda arimaha nabadgalyo iyo arimaha siyaasadeed iyo horumarineedba. Diiwaan galinta noocan ahina waa tii ugu horaysay ee laga fuliyo guud ahaanba dalka iyo qaarada afrikaba. Sidaa daraadeed qorshaha ay wado wasaaradu waa mid koobsanaya dhamaan qaybaha mihiimka ah ee ay u baahan tahay sida sharciyada maamulka diiwaangalinta, khalabka farsamo ee loo baahan yahay, dhismayaasha xarumaha iyo xafiisyada Diiwaan galinta iyo aqoonta xirfadeed iyo Shaqaale ee loo baahan yahay.

  1. 3.   MASHAARIICDA HORUMARINEED EE DEGMOOYINKA

Mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashadaan wasaarada arimaha gudaha, hay’ada UN ee ku midoobay mashruuca JPLG iyo dawladaha ee hoose ee ka socda lixda degmo marka laga reebo degmada gabilay oo iyada ay sanadkan ka bilaabanayaan noocyada ay kala yihiin, iyo xaalada ay marayaanba waxay ku cadahay shaxdan hoos ku qoran:

Miisaaniyada guud ee mashaariicdaasina waa 1,350,000 oo doolar, oo ay ku kala deeqeen qaybahan hoos ku qoran

 

Tiro ILAHA MIISAANIYADA CADADKA MIISANIYADA CELCELIS AHAAN
1 Dawlada dhexe 1,62000 13%
2 Dawladaha hoose 67,500 5%
3 UNCDF/JPLG 1,120,500 82%
4 Wadar 1,350,000 100%

 

cadadka lacageed ee ay dawladu ku dartay miisaaniyadaasi waa 1,62000 oo doolar oo ay bixisay dawlada dhexe, lacagta ay ku dareen dawladaha hoose waa 67,500 oo doolar, halka ay hay’ada UNCDF ay bixisay 1,120,500 oo doolar isu gaynta lacagtaasina waa 1,350,000 oo doolar. Mashaariicdaasi oo ka fulay 7 degmo.

  • Borama 2013 LDF Project
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Borama Borama Stadium Foot Ball Ground Part A $88,423.26 20% 1st Installment Paid
02 Borama Borama Stadium Foot Ball Ground Part B $75,189.22 20% 1st Installment Paid
  • Buroa 2013 LDF Project
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Buroa Buroa Qasabka to Manhal Tarmac Road 94,615.40 50% 1st Installment Paid 2nd Installment under process
02 Buroa Buroa Dahabshiil Tarmac Road  83,167.00 50% 1st Installment Paid 2nd Installment under process

 

  • Berbera 2013 LDF Projects
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Berbera Berbera Tarmac Road $108,475.45 40% 1st Installment Paid
02 Berbera Laso dawco extention market $14,500.10 50% 1st Installment Paid 2nd Installment under process
  • Hargeisa 2013 LDF Projects
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Hargaisa Gacan Libax Mohamed Haybe Drift $110,717.00 70% 2nd  Installment Paid
02 Berbera Hargeisa Qudhac Dheer Market $107,448.15 70% 2nd Installment
  • Sheikh 2013 LDF Project
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Sheikh Kaldhadhaab Primary School $22,964.34 70% 2nd  Installment Paid
02 Sheikh Hulqaboobe Gravel Road $31,034 70% 2nd Installment  Paid
03 Sheikh Sheikh Water System $52,707.90 40% 1st Installment Paid

 

  • Odweine 2013 LDF Projects
s/no District Name Project Name Project Cost Project % completed Payment Status Remarks
O1 Odweine Odweine Gravel Roads $94,702.27 45% 1st Installment paid

 

 

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com