Uncategorized

Badhasaabka Gobolka Awdal oo Maanta Kulan la qaatay Gudidii Soo Qaybisay Raashinkii Taakulada ee Turkigu ku Deeqay

Boorama 05.May (SDN). Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta Xogwaran ka dhagaystay Guddiga abaaraha iyo tabarucaadka gobolka Awdal oo Ka Waramay degaamadii la gaadhsiiyey   deeqdii raashinka ahayd  ee dalka turkiga u fidiyay dadka danyarta ah ee Somaliland .

Gudoomiyaha  Guddiga abaaraha iyo Tabarucaadka Gobolka Awdal,sh.Maxamed Daahir dhawal,ayaa sheegay in 700-tan oo raashin ah  ay gaadhsiiyeen degaamada,  Baki,Boorama,Lug-haya iyo Saylac,Waxaanu intaas ku daray inay Hawshaasi ugu soo dhamaatay Si habsami leh isla markaana ay Gaadhsiiyeen Gacanta dadkii dan-yarta ahaa  ee raashinkaa loogu talo galay.

Maayirka  magaalada Boorame, Mud,Saleebaan xasan Xaddi iyo Isuduwaha wasaarada dib-u-dejinta Gobolka Awdakl,oo ka mid ah Guddigaa ayaa iyana   sheegay,in Raashinkaa deeqda ah  in la gaadhsiiyey dadkii dan-yarta ahaa si cadaalad ahna loogu qaybiyey.

 

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa Guddiga uga mahad-naqay sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadkii ka saaraa sidii dadka dan yarta ah loo gaadhsiin lahaa Raashinkaa deeqda ah.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com