Uncategorized

“Wasaarada Caafimaadku Waxay Diyaarisay Siyaasad Caafimaad Muhiimada Koowaad siineysa daryeelka hooyada iyo dhalaanka iyo xirfadlayaasha caafimaadka” Ag/Guud ee Wasaarada Caafimaadka

Hargaysa 05.May (SDN) Ururka Kal Kaalisooyinka Caafimaadka  iyo Umulisoonyinka Somaliland ayaa Xus la Xidhiidha maalinta Caalamiga ah  ee Umulisooyinka adduunka oo loo asteeyay in Caalamka laga qabto 5 bisha May ayaa maanta Munaasibad si weyn loo bilay waxaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Munaasibadan Waxaa ka qayb galay Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha WHO iyo UNFPA, Madaxda Ururkaasi, Umulisooyin ka kala Socda Gobaloada Dalka iyo Marti sharafkale.

Madaxa Guddiga Ururka Umulisooyinka Qaranka Somaliland Faadumo Cabdi Kaahin oo madashaasi ka hadashay ayaa Tilmaan ka bixisay Xuska Maalintan Caalamiga  ah “Maanta waxa aynu iskugu nimid ee aynu u soo fadhiisanay inagoo isugu jirna Umulisooyin iyo Neersin, in aynu muujinaa maalinta Caalaga ah ee Umulisooyinka oo ay tahay maalintoodii oo ay Umulisooyinku Ugu adeegaan Hooyada iyo Ilmaha si xirfadaysan, oo aynu ka hortagno waxii dhibaato ka hor imanaya”

Gudoomiyaha Umulisooyinka Qaranka Somaliland waxay intaasi ku dartay inay u qorshaysan tahay Sidii Kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo Xirfada Umulisooyinka.

Agaasimaha Guud ee Waasaarada Caafimaadka Somaliland Cabdi Guray oo Madashaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray bah’da Umulisooyinka Somaliland,Waxaa kale oo uu Agaasimaha Guud iftiimiyay Siyaasada Wasaaradiisa ee Ku Wajahan yaraynta dhimashada Hooyooyinka la soo dersa Xiliyada Foosha isagoo Yidhi “ Ugu Horayn Waxaan Halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinayaa Umulisooyinka, Maalinta Umulisooyinka oo maanta lagu xusayo in loo muujiyo Umulisooyinka Somaliland, Maalintooda oo lagu maamuuso, Wasaarada Caafimaaku iyadoo ka duulaysa Himilooyinka Horu marinta Qodobada ka khuseeya sidii loo yarayn lahaa dhimashada Hooyada iyo dhalaanka Wasaarada Caafimaadku Waxay Diyaarisay Siyaasa Caafimaad  Muhiimada Koowaad in la siinayo daryeelka hooyada iyo dhalaanka iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee ay ugu mudan yihiin Umulisooyinku dhinacyada tobabarada, dhiiri galinta iyo in la garab istaago intaba Wasaarada Caafimaadka waxa ka go’an in kaalinta umulisooyinka la muujiyo” .

Geesta kale Waxaa Munaasibadaas ka hadlay Xubno ka socday Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya dhinaca caafimaadka,Waxaana Gaba Gabadii Halkaasi Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyay Xubno ka Tirsan Ururka Umulisooyinka Somaliland  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com