Uncategorized

Jaamacada Carabta iyo dalalka Bariga dhexe qaar kood oo canbaareeyay weerarada Israel ee Syria

Qahira May 06,2013(SDN)-Duulaano isdaba jooga ah oo ay sadexdii cisho ee ina dhaafay ay dawlada Israel ku qaaday dalka Syria ayaa waxa dhaleceenyay Jaamacada carbta iyo qaar ka mida ah dalalka bariga dhexe.

Madaxa Jaamacada Carabta Nabil El Carabi ayaa dhaleeceeyay weerarada Israel ku qaaday dhulka Syria uguna baaqay Qaramada Midoobey golleheeda Amaanku in uu faro Israel joojinta weerarada.

Wasriirada arrimaha dibedda ee dalalka Masar iyo Iran ayaa iyaguna dhaleeceeyay weerarada Israel ay ku qaaday dalka Syria.

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa isna dhinacyada ugu baaqay degenaan.

“Waa in dhamaan dhinacyadu is dejiyaan oo ay muujiyaan xilkasnimo si aan looga darin xaalada colaadeed ee murugsan”.ayuu yiri afhayeenku.

Israel ayaa isu diyaariyasay dagaal rogaal celisa oo uga yimaada Syria,sida laga soo xigtay sarkaal ka mid ah ciidamada dalkaasi.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com