Muqdisho May 06,2013(SDN)-Nin is miidaamiyay ayaa gaari walxaha qarxa ka buuxaan waxa uu la beegsaday kolonyo gawaari ah oo galbinayay wefdi ka socday dalka Qadar oo caasimada Booqanayay.
Qaraxa ayaa waxa ku geeriyooday ilaa sideed ruux oo ahaa dad shiciba oo wada marayay,sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.
warar horu dhaca ayaa shaaciyay in weerarka lala beegsaday wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya,waxaase la xaqiijiyay in wasiirku aanu goobta ku sugneyn.
Afhayeenka Raiisul wasaaraha Soomaaliya Axmed Adan ayaa saxaafada u sheegay in cid ka mida wefdigii Qadar aaney waxba ku noqon weerarka.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay weerakan qaraxa ahaa e shalay ka dhacay isgoyska km4 ee Muqdisho.
Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen lix ka mida ciidamada dawlada halka ay sagaal kalena ku dhaawaceen.
“Mujaahidiintu waxa ay maanta weerar ismiidaamin ah ku qaadeen kolonyo uu ku jiro wasiirka arrimaha gudduhu”ayaa lagu yiri war Shabaabku soo sareen.
Weerarkan ayaa la qaaday iyada oo maalmihii u danbeeyay ay wadooyinka u xirnaayeen hawlo amni sugid ah.
Dawlada dalka Qadar ayaanilaa iyo haatan ka hadal in wefdi dalkooda ka socday lagu baritilmaansaday qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay.
Madaxweynah Soomaaliya iyo madaxda kale ee dawlada ayaa gidgood dhaleeceeyay weerarkii shalay ee Shabaabku ku bartilmaansadeen wufuuda Qadar ka socotay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
