Hargeysa May 07,2013(SDN)-Madaxa Kooxda Al Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa laba aqal oo reer koodu ku leeyahay magaalada Hargeysa waxa baaritaan ku sameeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRUda loo yaqaano.
Ciidamadu waxa ay baareen aqal ay ku nooshahay madaxa Al Shabaab Hooyadii oo ku yaal xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale ciidamada RRUdu waxa sidoo kale ay galeen aqalka nin ay Ina godan walaalo yihiin oo la yidhaahdo Cali Cabdi Godane oo isagu ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Somaliland.
Ciidamada RRUda Somaliland oo hawlgalkan ku weheliyaan Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay kaxeysteen mid kale oo ka mida walaalada Axmed Godane oo ay suaalo weydiinayaan.
Ciidamada amaanka ayaa u muuqday in ay hawgalkan qaadeen ka dib kolkii ay heleen xog aan lahubin waxa ku xusan oo keentay in aqaladan la baaro.
Dawlada Somaliland ayaan ilaa iyo haatan wax war ah oo hawlgalkan ku saabsan shaacin.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
