London May 07,2013(SDN)-Hey’ada u Dooda Xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa war ay soo sartay oo ku wejahan shirka Soomaaliya ee maanta ka furmaya magaaladan London waxa ay ku sheegtay in ay haboon tahay in diirada lagu saaro sidii dawlada Soomaaliya culeys loogu saari lahaa dhawrida xuquuqaha aadanaha.
Shiraka Soomalaiya ee maanta London ka furmaya ayaa waxa ka qeybgelaya in ka badan 50 wadan,waxaana looga wada hadli qorsheyaal wax qabad oo ku wejahan dhinacyada dib u habeynta booliska iyo ciidamada qalabka sida,ka hortaga kufsiga,iyo maareynta hantida.
“Niyad samida caalamka ee ku wejahan Hogaanka cusub ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay soo bandhigeen kama dhigna helida taageero aaney u qalmin”sidaa waxa yiri madaxa HRW ee UK David Mepham.
“Shirka London dabadii waa in dawlada wax ka qabataa xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka ka jir,goaamada ka soo baxa London waxa ay saameyn aad u weyn ku yeelan doonaan gidi Soomaalida.”ayuu Mr Mepham.
Qoraalkan HRW oo ku wejahanka qeybgaleyaasha shirka maanta ka furmay London ayaa si weyn ugu dheeraadey xadgudubyada ay geystaan ciidamada kala duwan ee dawladu kula kacaan dadka baro kacayaasha ah.
Qoraalkan ayaa lagu xusay in ciidamada dawlada iyo meliishaad taageeraahi ay u geystaan xadgudubyo kay ka mid yihiin dhac kufsi iyo dilba dadka barokacayaasha ah ee ku nool agaaga ciidamadu ay ku sugan yihiin.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
