Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh oo Kulan la Qaatay Gudida Qaban qaabada 18 May

Oodweyne 07.May (SDN) Gudoomiyaha Gobolka daadmadheedh Jamaal Xuseen Hure ayaa maanta  kulan  xogwaraysi ah  la yeeshay gudida qabanqaabada munaasibada 18ka may ee gobolka daadmadheedh  kulankan oo  ujeedadiisu ahayd  sidii ay gudidu ugaga xogwarami lahayd gudoomiyaha   halka hawluhu u marayaan,

Ugu horayn waxaa halkaasi ka  hadlay gudoomiyaha waxbarashada  gobolka daadamadheedh isla markaana  xubin ka ah gudida qabanqaabada 18 may kayse cabdi ducaale, waxana uu  ka warbixiyay  hawla qabaqaabo  iyo sida loogu diyaargaroobay maalinta qaranimada jamhuurida somaliland taasi oo uu tilmaamay inay maalintani tahay maalin ahmiyad wayn ugu fadhida shacabka reer somaliland isla markaana loo baahan yahay   in laga wada  qayb qaato.

Gudoomiyaha gobolka daadmadheedh jamaal xuseen hure oo gebagebadii kulankan ka hadlay ayaa  si qota  dheer uga waramay qiimaha ay leedahay maalinta 18 ka may isagoo gudoomiyuhu bulshada reer daadmadheedhna ugu baaqay inay si mug leh  uga qayb qaataan,

Sida la ogyahay u diyaar garawga xuska  maalinta qaranimada somaliland  ee 18 ka may ayaa dhamaan si xawli uga soconaya gobolada iyo degmooyinka dalka

Oodweyne SDN.

Qurbejoog.com