Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Dadkii ku naf waayay Dooxa Degmada Laasgeel

 Hargaysa 07.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku dhacday Dadkii Ehelka iyo xigtada isu ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee daadku ku qaaday shalay (06/05/2013 dooxa dacar-budhuq shilkaas oo ay ku geeriyoodeen:-

  1. Marxuuma Deeqa Cabdilaahi Nuur (Ilma Xaaji Daahir Cigaal Hooyadood)
  2. Marxuuma Nadiira Cali Maxamed
  3. Marxuum Sacad Cali Maxamed
  4. Marxuum Xasan Maxamed Jibriil

 

Oo dhamaantood ka wada geeriyooday qoys, markii uu dooxa dacar-budhuq la tegay gaadhigii ay saarnaayeen, Marxuumiintaas oo ka soo noqday geeri ay subaxnimadii kaga qayb-galeen, nin qoyskaasi ka mid ahaa oo Danab ku dilay Deegaanka Dacar-budhuq.

 

Madaxweynuhu waxa uu dhamaan MARXUUMIINTAASI  ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan uu ka siiyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com