Uncategorized

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Sheegay inuu dhaqan Galay Xeerka Anshaxa Garsoorayaash

Hargaysa 07.May (SDN)   Gudoomiyaha Maxkamada  sare ee Somaliland  Dr.yuusuf ismaaciil cali ayaa maanta shaaca ka qaaday dhaqangelinta  xeer nidaamiyaha Anshaxmarinta Garsoorayaasha iyo Xeerilaaliyayaasha  ka hawlgala hay’adaha Garsoorka Dalka.

Shirjaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa Gudoomiyaha Maxkamada sare Dr.yuusuf ismaaciil cali uu faah fahin kaga bixiyay xeerkan oo uu sheegay  in uu yahay mid  waxtar weyn u leh Garsoorka dalka , oo lagu  dhiqi doono  hawlwadeenada garsoorka ee Baal mara Anshaxa, isaga oo u jeediyay Garsoorayaasha in ay markasta  ku gutaan hawshooda  iyo kiisaska  ay   Bulshada u hayaanka  si dhexdhexaadnimo ah.

kulankan  oo ay ka soo qaybgaleen Gudida Cadaaladu ayaa gudoomiye xigeenka maxkamada sare  md. Yaasiin Xasan waxa uu  kaga hadlay qaybaha xeerka Anshaxmarinta  Garsoorayaashu ka koobanyahay.

Xeer nidaamiyahan ayaa maxakamada sare ay soo saartay sanadkii 2012kii iyada oo dhaqan galkiisana haatan la meelmariyay,Kaas oo ah  mid door weyn ka qaadan doona habsami u socodka hawlaha cadaalada  ee Dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com