Hargaysa 07.May (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Dr.yuusuf ismaaciil cali ayaa maanta shaaca ka qaaday dhaqangelinta xeer nidaamiyaha Anshaxmarinta Garsoorayaasha iyo Xeerilaaliyayaasha ka hawlgala hay’adaha Garsoorka Dalka.
Shirjaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa Gudoomiyaha Maxkamada sare Dr.yuusuf ismaaciil cali uu faah fahin kaga bixiyay xeerkan oo uu sheegay in uu yahay mid waxtar weyn u leh Garsoorka dalka , oo lagu dhiqi doono hawlwadeenada garsoorka ee Baal mara Anshaxa, isaga oo u jeediyay Garsoorayaasha in ay markasta ku gutaan hawshooda iyo kiisaska ay Bulshada u hayaanka si dhexdhexaadnimo ah.
kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Gudida Cadaaladu ayaa gudoomiye xigeenka maxkamada sare md. Yaasiin Xasan waxa uu kaga hadlay qaybaha xeerka Anshaxmarinta Garsoorayaashu ka koobanyahay.
Xeer nidaamiyahan ayaa maxakamada sare ay soo saartay sanadkii 2012kii iyada oo dhaqan galkiisana haatan la meelmariyay,Kaas oo ah mid door weyn ka qaadan doona habsami u socodka hawlaha cadaalada ee Dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
