Uncategorized

Gudoomiyaha Ururka Qareenada ee Gobolka Sanaag oo Dhaawac ka soo Gaadhay kadib Markii ay Soo Weerareen Dablay Hubaysani (DHAGAYSO)

Ceerigaabo 07.May (SDN)  Gudomiyaha Ururka Qareenada Ee Gobolka Sanaag Garyaqaal Cali Siciid Jamac Cali Foolow Ayaa Saaka Abaaro 11 Duhurnimo Ay Dablay Hubaysani Weerar Kusoo Qaadeen Waxana Garyaqaanka Roobka Lagaga Dhigay Budhadh Iyo Ulo Ay Siteen Malayshiyaadka Soo Weeraray Waxana Intaasi Kadib Garyaqaanka Loola Cararay Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo .
Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Xaaladiisa Caafimaad Waqtiga Ay Aad U fiican Tahay Ayaa Xili Warbaahintu  Ku Booqatay Gudaha Waadhka Uu Yaalo Ayaa Waxa Uu Sheegay In Haatan Xaaladiisa Caafimaad Ay Fiican Tahay Nabara Badana Uu Qabo.

Waxa Kale Oo Uu Sheegay Garyaqaan Cali Siciid Foolow In Malayshiyaadka Soo Weeraray  Sida Loo Sheegay Ay Saaka Weerar kan oo kale ah Ku soo Qaadeen Maxkamada Gobolka

Waxana Garyaqaan Ku Eede Weerarkaasi Dhalada Usaaray Cheif Caaqil Xuseen Xasan Waa Sida Uu Hadalkiisa Udhigay Ee Sido Kalena Waxa Uu Gebi Ahaanba Iska Fogeyay In Wax Kiis Ahi Ka Dhexeeyeen Cida Weerarka Kusoo Qaaday
Isaga Oo Umuurahaasi Iyo Sida Werarkaasi Udhaceen Ka Hadlayaa Garyaqaan Cali Folow Ayaa Waxa Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay

“Saaka Xili Ay Ahayd Duhurkii Oo An Maxkamada Ka Tegeya Ayaa Niman Suuqa Iga Helen Nimankaaso Budhadh Iyo Ulo Sitay Nimankaaso Oo Uu Dhalay Cheif Caaqil Xussen Xasan Oo Nin Kamid Ah Gudida Doorashooyinka Qaranka Ee Degmada Oo La Yadhi Qaasin Xuseen Xasan Ayaa Suuqa Iga Helay Kadibna Ul Iyo Budhadh Ayaa Layla Galay Aniguna Lamaan Dagalamin Arin Na Dhex Martayna Ma Jirin”

Garyaqaan Cali Foolow Ayaa Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Sheegay In Shaqsiyadkan Weerarka Kusoo Qaaday Ay Isla Saakana Soo Weerareen Maxkamada Gobolka Waa Sida Uu Hadalkiisa Udhigay Ee

Waxanu Yidhi ”Kolkii Ay Nimankasi Idileen Waxan ogaaday Inay Saakana Maxkamada Soo Weerareen Oo Soo Foodeeyen Oo Aboohod Oo Dacwad Medeniya Maxkamada Gobolku Ugu Yeedhay Ay Kusoo Dagaalameen Oo Xoog Iyo So Fowda Kaga Soo Bexeen Baan Ogaaday Oo AAnigu Xiliga Warkaasi Maan Hayn”

Cali Foolow Oo An Wax Ka Weydiinay In Shaqsiyaadkaasi Weerarka Kusoo Qaaday Ay Hore Isu Hayeen Ayaa Sheegay In Xaataa Uusan Jirin Dacwad Uu Qaran Ka Yahay Oo Iyaguna Dhinac Ka Yihiin

Dhinaca Kalena Gudomiyaha Maxkamada Gobolka Aadan Saalaxi Oo Anu Isku Daynay Inaan Wax Ka Waydiino Sababta Keenta Weerarka Maxkamada Gobolka Lagu Soo Qaaday Laguna Dhaawacay Gudomiyaha Ururka Qareenada Ee Gobolka Ayaanay Noo Suurta Gelin Kadib Kolka Ka Jawaabiyay Telefonkiisa Gacanta

Si kastaba Ha Ahaate Garyaqaan Cali Foolow Ayaa Haatan Lagu Dabiibayaa Cusbitaalka Ayaa Xaaladiis Caafimaad Kasoo Raynaysaa
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliFolow7.mp3″]
Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com