Uncategorized

Rejeda reer Muqdisho ee Shirka London iyo Ujjeedada Shirka ee Britain oon is waafaqsaneyn

Muqdisho May 08,2013(SDN)-Warbixin ay daabacday barta Internetka ee Xinhua ee dalka China ayaa lagu soo bandhigay sida aaney isu waafaqsaneyn rabitaanka shacabka reer Muqdisho iyo Ujjedooyinka Britain ka leedahay Shirka Soomaaliya ee Haatan London ka socda.

Sidoo kale waxa Warbixinta lagu soo bandhigay in Dawlada Soomaaliya ee shirka Guddoonkiisa ka mid ahi iyo Shacabka reer Muqdisho aaney isku natiijo ka fileyn shirka.

Shirka London ayaa Diirada saaraya qiimeynta iyo dib u habeynta hay’adaha amni,cadaalada iyo maalgashi loo helo dhaqaalaha dalka Soomaaliya,sidaa waxa Xinhua u sheegay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan.

Shacab badan oo lagu xusay warbixinta Xinhua ayaa sheegay in ay tahay rejedooda u weyn ee ku wejahan shirka London in dib loo mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya oo kala huleelay sanadii 1991dii.

“Aniga waxa ay ila tahay in shirka London uu yahay guul u soo hoyatay Soomaaliya. Shirku waxa uu isu keeni karaa in Woqooyiga(Somaliland) iyo dawlada sidii loo helo midnimo,taas oo ah natiijo wax ku ool ah”sidaa waxa Xinhua u sheegay Xasan Xaashi Mohamed oo Muqdisho ku nool.

Shirka London oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 50 wadan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah oo la qabto.

Sanadii 2012kii ayaa London lagu qabtay shirkaan kii ka horeeyay oo lagu soo gunaanaday marxaladii ku maalgaarka aheyd ee Soomaaliya ay ku jirtay laba iyo tobankii sano ee ka horeeyay.

Sida uu xafiiska Britain u qaabilsan arrimaha dibedda uu sheegayna ujjeedada shirka ayaa ah”in loo helo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taageero qorshahheda ku wejehan dib u habeynta Ciidamada amniga,cadaalada iyo dib u habeynta hanti dhawrka”

Saciid Cumar oo ah ardey ku nool Muqdisho ayaa Xinhua u sheegay  in muhiimada kowaad tahay in ay arkaan Soomaaliya oo gacan laga siinayo sugida amniga shacabka.

“Waanu soo dhaweyneynaa shirka London,waxaana rajeyneynaa in shirku isu keeni doono Soomaalida kala yaacday si ay isaga kaashadaan sugida dalka. waana muhiimada koowaad’sidaa waxaa yiri Siciid Cumar.

Shirka ayaa ay aheyd in uu isu soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegtay in aaney ka qeyb geli doonin shirka.

Maxamed Maxamuud oo Muqdisho ku nool ayaa Xinhua u sheegay in uu rajeynayo in Shirka London isu soo dhaweeyo madaxda Soomaaliya iyo Somaliland si dhabaha loogu xaadho midnimo dhexmarta labada dhan.

“Inta aniga iga khuseeysa waxaan rumeysanahay in shirka London uu yahay mid muhiima,kaas oo aanu soo dhaweyneyno,waxaan rajeynayaa in ay fududeyn doontowada hadalada Woqooyiga(Somaliland) iyo dawlada Soomaaliya”ayuu yiri mar kale Maxamed Maxamuud.

Shirka London oo ay wada jir u guddoomiyeen raiisul wasaare David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada London ee dalka Britain.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com