Uncategorized

In kabadan 1,000 (Kun) Ruux oo lagu qabqabtay Mudaharaadyada Rabshadaha wata ee ka soconaya dalka Turkiga

Istanbul June 03 2013 (SDN)— Saraakiisha booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 1,700 ruux oo kamid ahaa dadkii ka qeybqaadanayay Mudaharaadyada Rabshadaha wata ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Dadka la soo qabqabtay ayaa ka qeybqaadanaya mudaharaadyo dowladda looga soo horjeeday oo ka dhacayay in kabadan 67 goobood oo kuyaalla magaalooyin iyo Tuulooyin dalkaasi ka tirsan.

Warbaahintaa Turkiga ayaa soo warisay in isku dhicii u danbeeyay uu booliska iyo mudaharaadayaal ku dhexmaray dagmada Besiktas ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasi oo ay 3-maalmood ka hor ay ka bilaawdeen Rabshadaha daganaansha la’aanta keenay ee ka dhacaya dalkaasi.

Masaajida, Dukaamada iyo Jamacadaha Magaalooyin waa weyn ayaa xiran iyadoo dadka dhawacyadu soo gaaraan lagu dabiibayo Isbitaalada dalkaasi.

Mudaharaadyadan xoogan ee Rabshadaha wata ayaa soo bilawday markii dowladda Turkigu ay sheegtay in qeybo kamid ah Fagaaraha Taksim ee Istanbul kuyaalla laga dhisayo Xarumo ganacsi si loo yareeyo qaadkiisa, taasi oo dad badan ay ka caroodeen.

SDN-Istanbul