Uncategorized

Kulan lagu lafo gurayay Siyaasada Daawooyinka Somaliland oo Hargaysa lagu soo Gabo gabeeyay

Hargaysa 09.July (SDN) Kulan ay ka qayb qaadanayeen hawlwadeenada caafimaadka Somaliland iyo saraakiil ka socotay xafiiska WHO ee Magaalada Nairobi  kuna saabsanaa siyaasadda dawooyinka ee Wasaaradda caafimaadka oo muddo sadex maalmood ah ka soconayey Magaalada hargaysa ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gebegebeyey Magaalada Caasimadda ah ee Somaliland.

Marwo Aasiya Cismaan Axmed Madaxa WHO ee Somaliland oo kulankaasi ka hadashay waxa ay ka sheegtay in Xogtan ku saabsan Siyaasadda dawladda xilli hore la sameeyey laakiin hadda ay lama huraan noqotay in dib loo hagaajiyo hirgelintiisana loo marayo  sadex talaabo oo akla ah:

Inay ka qayb qaataan dhamaan dhinacyada ay khusayso

In la sameeyo qorshe xiliyaysan oo lagu jaangoynayo fulintiisa

iyo in la dhaqaajiyo oo la hirgeliyo.

Marwo Aasiya waxa ay ka codsatay dhamaan dhinacyada ku shaqada leh in ay qorshahan cad ee siyaasadda  dawooyinka hirgelintiisa dedejiyaan, lana joojio dawooyinka ganacsiga keliya noqday, isla markaana la hubiyo dawooyinka soo gelaya dalka.

Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com