Hargaysa 09.July (SDN) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane C/llaahi Maxamed Daahir ayaa maanta kulllan guud oo uu la yeeshay shaqaalaha qaybaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta waxa uu ku booriyay inay sii laban laabaan dadaalkooda shaqo ee ay ugu adeegayaan bulshada.
Md Cukuse waxa uu sheegay in wasaaraddu mas’uuliyad balaadhan u hayso qaranka, isla markaana ay ka qayb qaadato Guud ahaan hawlaha ay qabanayaan hay’adaha kale ee Dawladdu, bulshada u gudbisa dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xidhiidha waxii horumar ah iyo waxii wacyigelin kale ah.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda warfaafintu waxuu ku ballanqaaday in shaqaalaha wasaradu heli doonaan xuquuq siman oo dhinacyada shaqada iyo shaqaalaha ah, laguna abaalmarin doono shaqo wanaagga uu muujiyo qof kasta oo shaqaale ah lagulana xisaabtamayo cid kasta oo ka gaabisa mas’uuliyadeeda.halka sidoo kalena uu wasiirku sheegay inuu dadaalka saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda loona yagleeli lahaa Mac-had qaabilsanaan doona culuunta saxaafadda.
Wasiir C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu Xusay in Madaxda Wasaarada uu si adag ula xisaabtami doono isagoo ilaahay ka baryay inaanay Gacantiisu ku horayn Shaqaalaha hasa yeeshee uu hoosta ka xariiqay in Cida uu u socdaa ay tahay Madaxda Wasaarada Sida agaasime waaxeedyada oo uu u soo jeediyay in Mid kasta oo Xafiiskiisa laga waayo uu shaqada banaanka ka yahay.
Kulanan waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdiwaaxid C/qaadir C/raxmaan, Agaasimaha Guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, iyo mas’uuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
