|

Aamina Cabdilaahi Xirsi: Fankii Jabuuti , Hargeysa Iyo Muqdisho U Kala Dabqaaday – Qalinka: Cumar Seerbiya

Boorama 09.May 2016 (SDN/QJ):– Malahayga maalin ama habeen uun ku soo maray waad maqashay amaba daawatay Aamina Cabdilaahi oo heesaysa amaba majaajilaynaysa adiga oo u qasdi ama cid kaa ag dhawi haku balweysee.

fanaanada Aamina CabdilaahiAamina Cabdilaahi Xirsi markaad magaceeda maqasho adiga maxaa hees ah ee ugu soo dhaca ee adaa ii sheegi kartaa , anigu intan kula hadlaayey markiiba waxaan soo qabtay labadan heesood oo aan midkasta wax yar kaaga sheegi doono , ta koobaad waa heesta Siyar, siyar ma uu shushubanaa , waxa sameeyey Abwaan Axmed Saleebaan bidde laxanka ama codkana waxa saaray Axmed Gacayte Yuusuf rabi naxariistiisa ballaadhan ha siiyee, kumay jirin riwaayada ee waxay ahayd hees inta badan ay Aamina Cabdilaahi Xirsi ay qaado xilliyada bandhig suugaaneedka la samaynaayo , waxayna noqotay caan waliba aad loo jecelyahay sidaan iyada iyo dad kaleba ka xoo xigtay .

Ta kale waa ‘Waligeed Adduunyada Waqtigaa Qof Saacida Midna Waayahaa Xidha’ , Waxay Ku Jirtay Riwaayaddii Dab Jacayl Kari Waa’ oo uu Xasan Ganay alifay , iyaduna dhadhanka ay leedahay heestu awgeed dadweynihii waqtigaasi xiisaheedu intay ka soo gudubtay ayey Aaminadii qaaday lafteedu u aqoonsatay xilligii ugu wacnaa ee fankeeda soo maray oo adiguba hadaad weydiiso sidaasi ayey kuu sheegi doontaa.

Aamina oo heesta anigu ma soo gaadhin balse waxaan ku barbaaray fankeeda oo la jecel yahay sidaasi darteedna waxaan u safray magaalada ay ku nooshahay oo Borama ah waliba gurigeeda ayaan hadana ugu tagay ,

Aamina oo aan la sheekaystay ayaa ii sheegtay inay ku dhalatay deegaanka Kala-baydh ee Borama iyo Wajaale u dhexeeya , kuna bar-baartay Jabouti halkaasi oo ay fanka ka bilawday dhammaadkii 1966kii ayaa Aamina oo fanaanad ahi waxay timi Hargeysa waxa ku soo dhaweeyeey koox ay ka mid ahaayeen Maxamed Yuusuf Cabdi, Cismaan Maxamed Cabdi Kariim /Gacanlaw labadaba rabi godka ha u nuuree Faadumo Cabdilaahi Maandeeq iyo Shamis Abuukar Guduudo carwo.

Amina xusuusteeda faneed ee xoogan waxa ka mid ah barnaamij Soomalida dhexdooda caan ka ahaa oo la odhan jiray Dalmar oo uu hal –abuuray Maxamed Cumar Huryo kaasi oo qaab masraxeedkiisa aad looga tacajubay.

Muddo soddon sanno ku dhaw oo Soomaaliya u fanka shamaciisu baxaayey Aamina way heestay wayna majaajilaysay waxay ka qayb-qaatay jilitaanka riwaayado badakooda ay sameyeen Xasan Ganay iyo Cabdi Aadan Xaad Cabdi-qays oo ay mar u noqotay Oori laba caruur ahna ay isku dhaleen siday ii sheegtay .

Aamini ka dib intii dawladdii Maxamed Siyaad Barre Bur-burtay waxay ku noolayd magaalada Borama marka laga reebo saddex sanno oo ay Nayroobi u joogtay dhoofinta caruurteeda qaar , iyo mar ay bandhig dhaqameed kaga qayb-gashay waddanka Ingiriiska.

Waxayna u aragtaa waqtigan in fanka qiimihiisii hoos loo dhigay iyada oo is bar-bar dhigaysa sida uu ahaan jiray waqtigii ay dhallinyarta ahaayeen iyada iyo saxiibadii ay waqtiga badan fanka ku soo wada qaateen. mana aragto rajo ah inay fanka halkiisii gaadhsiin karaan dadka hadda gacanta ku hayaa.

Comments are closed